Tababare, Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday farriin qoraal ahayd oo uu ciyaartoydiisa u diray kaddib kulankii guul-darrada weyn ee fadeexadda ahi kasoo gaadhay ee ay Aston Villa ku karbaashtay 7-2.Klopp oo ay kooxdiisu isku diyaarinayso inay kasoo kabato guul-darradaas ayaa waxay Sabtida la ciyaarayaan Everton oo hoggaanka horyaalka haysa, waxaanay jamaahiirtu sugayaan sida ay uga falcelin doonaan khasaaraha ugu dambeeyey.Saddexlay uu Ollie Watikins ka dhaliiyey, Jack Grealish oo laba ku daray iyo John McGinn iyo Ross…