Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yidhi Guushii Ay Real Madrid
Cristiano Ronaldo ayay u ahayd maalin damaashaad oo uu kooxdiisii hore ee Real Madrid kala qayb-galay dabaal-degga guushii weynayd ee ay ka gaadheen Barcelona.
Real Madrid oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga soo badiyey ayaa u safartay gobolka Catalonia oo garoonka Camp Nou ay ku sugaysay Barcelona, taas oo Zinedine Zidane lasii sheegayay inay shaqadiisu halis geli doonto haddii uu guul kasoo gaadhi waayo, laakiin Los Blancos ayaa awood u yeelatay inay si raaxo leh ku badiyaan.
Zidane ayaa kaydka dhigay Luka Modric iyo da’yarka reer Brazil ee Rodrygo, isaga oo keenay laacibiinta khadka dhexe ee Fede Valverde, Toni Kroos iyo Casemiro, halka weerarkana ay isku kaashanayeen Benzema iyo Vinicius Junior.
Valverde ayaa Real Madrid hoggaanka ciyaarta u dhiibay shan daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay, waxaana uu dhamaystay 24 baas oo ay kooxdiisu isku dhiibtay oo uu gool u beddelay kaddib taabashadii ugu dambaysay ee uu Benzema usoo gudbiyey.
Ansu Fati ayaa ka fujiyey Barcelona saddex daqiiqadood oo kaliya kaddib goolka Real Madrid balse qaybtii dambe ayay Los Blancos hoggaanka sii dheeraysatay markii uu Sergio Ramos u dhaliyey rikoodhe, halka uu Luka Modric oo beddel ku yimid uu ciyaarta kusoo afjaray gool qurux badan.
Guushan 3-1 ah ee Real Madrid ay kasoo gaadhay Barcelona, waxa kasoo falceliyey Cristiano Ronaldo oo xagaagii 2018 u wareegay Juventus, isla markaana hadda go’doon ugu jira xanuunka Korona Fayras oo uu ku seegayo kulanka Champions League ee kooxdiisa Juve ay ku martigelinayso Barcelona oo uu hoggaaminayo Lionel Messi toddobaadkan.
Ronaldo ayaa markii ay dhamaatay ciyaarta Real Madrid iyo Barcelona ee garoonka Camp Nou waxa uu bartiisa bulshada soo dhigay sawir uu feedho qaawan yahay oo uu cad-ceedsanayo, waxaana uu kusoo dul qoray “Yesssss” oo emoji muujinaya xoog, taas oo uu ugu sheegayay Real Madrid inay awood u sheegatay Barcelona.