Manchester United Iyo Chelsea Oo Goolal La’aan Ku Kala
Manchester United iyo Chelsea ayaa barbarro goolal la’aan ku kala baxay ciyaartoodii horyaalka Premier League ee garoonka Old Trafford.
Kulankan oo ahaa mid ay labada kooxood fursaduhu ku yaraayeen ayaa waxa wacdaro dhigay goolhaye Edouard Mendy oo joojiyey fursadihii ugu cadcaddaa ee gool noqon karayay ee ciyaarta, kuwaas oo Marcus Rashford uu ku dhowaa inuu kooxdiisa saddexda dhibcood ku siiyo.
Laba fursadood oo qaali ah oo Rashford uu helay ayuu Mendy joojiyey, halka qaybtii hore ay Blues dhawr jeer tijaabisay goolhaye David de Gea oo inta badan ciyaarta aan dhibaato la kulmin.
Manchester United iyo Chelsea oo inta badan ku hirdamayay khadka dhexe ayaanu midkoodna si muuqata ugu qalmaynin inuu helo saddexda dhibcood ee ciyaarta, waxaana natiijada dhexdhexaadka ah ee ay u qalmayeen uu ahaa midka ay ku dhamaysteen ee barbarraha goolal la’aanta ah.
Shaxdii labada kooxood
CHELSEA (3-4-3): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Kurt Zouma; Reece James, Jorginho, N’Golo Kante, Ben Chilwell; Kai Havertz, Christian Pulisic, Timo Werner.
Kaydka: Antonio Rudiger, Tammy Abraham, Willy Caballero, Mateo Kovacic, Oliver Giroud, Mason Mount, Hakim Ziyech.
MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Juan Mata, Bruno Fernandes, Daniel James; Marcus Rashford.
Kaydka: Paul Pogba, Edinson Cavani, Mason Greenwood, Dean Henderson, Nemanja Matic, Donny van de Beek, Axel Tuanzebe.
Solskjaer ayaa shaxdiisa dib ugu soo celiyey Harry Maguire oo dhaawac kusoo seegay ciyaartii PSG, waxaana uu garab istaagay Lindelof isagoo beddelay Tuanzebe. James iyo Mata ayaa iyaguna kusoo bilowday, halka uu mar kale kaydka kasoo muuqday Paul Pogba iyo Cavani oo uu ka hor joogsaday filashadiisii ahayd inuu ciyaarta kuwoo bilowdo.
Lampard ayaa isaguna hal beddel oo kaliya kusameeyey safkii uu kula ciyaaray Sevilla usbuucii hore ee ay barbarraha goolal la’aanta ah ku dhamaysteen, waxaana uu kaydka dhigay Mount oo uu ka door-biday inuu difaaca xoojisto oo uu keeno Azpilicueta, taas oo ka dhigan inuu shan difaac ku ciyaarayay.
Labada kooxood ayaa ciyaarta ku bilowday qaab deggan oo ay khadka dhexe ku loollamayeen, waxaanay kubaddu inteeda badan joogtay garoonka badhtamihiisa 20-kii daqiiqadood ee ugu horreeyey, iyadoo aanay wax khatar ahi ku imanin goolhayeyaasha.
Laakiin daqiiqaddii 30aad ee ciyaarta ayay Manchester United tijaabisay goolhayaha cusub ee Chelsea ee Mendy oo isaguna sameeyey qalad sababi gaadhay inuu gool iska dhaliyo, waxaana nasiib-wanaag ay kubaddu u baxday gool xilli Lakmpard uu wadne gariir qaaday.
Daqiiqaddii xigtay ayay Chelsea heshay koorneyaal, waxaase markii ay kubadda iska soo saareen difaaca United ay lugtiisa gashay Fernandes oo isaguna masaafo 25 yard ah ka toogtay goolka Chelsea ee uu Mendy waardiyaha ka ahaa, waxaanay kubaddaasi noqotay mid dallacantay.
Badbaadadii u weynayd qaybta hore: Juan Mata ayaa kubbad usii daayay Marcus Rashford oo kusii ordyaya dhinaca goolka Chelsea, waxaana uu weeraryahankani go’aansaday inuu laag awood badan marsiiyo Mendy oo ay isku-kaliyeysteen si uu uga baxsado difaaca kusoo dhowaa, waxaase uu goolhayaha reer Senegal u kala bixiyey lugaha iyadadoo lugtiisa midig ay kubaddu ku dhacday, taas oo keentay inay dhinaca bidix ka marto goolka oo ay koorne noqoto.
Dhamaadka qaybta hore ayaa Manchester United loosoo fiiriyey VAR kaddib markii uu ruug-caddaaga reer Brazil ee Silva uu taakal ku qabtay Rashford, laakiin waxa la go’aamiyey in aanay dhicin wax qalad ahi.
Qaybtii labaad ayay Chelsea dardar kusoo gashay, waxaana bilowgiiba jiibta iyo jaanta isla helay Pulisic iyo Kai Haverts oo Harry Maguire khalkhal ku riday.
Tababare Solskjaer oo dareensanaa in culays saaran yahay kooxdiisa ayaa daqiiqaddii 58aad soo geliyey Edinson Cavani oo ay u ahayd markii ugu horreysay ee uu Manchester United u ciyaaro iyo Paul Pogba, si ay culays u saaraan difaaca Chelsea oo ay goolal na u keeni karaan.
Daqiiqaddii 69aad ayuu Maguire kubbad dheer u tuuray Rashford oo difaaca Chelsea orod kaga dheereeyey, waxaase soo gaadhay AZpilicueta oo laaggiisii joojiyey.
Lindelof ayaa ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay waxa uu helay fursad uu kubbad ugu dhiibo Rashford, taas oo haddana lugta u gashay Pogba oo lugtiisa bidix iskula kala bixiyey inuu toogto goolka Chelsea, balse nasiib wanaag Thiago Silva ayay ku baxsatay Blues.
Badbaadadii u dambaysay: Mendy ayaa noqday shimbirka kooxdiisa, waxaana uu ka diiday Rashford inuu u dhaliyo gool kooxdiisa Manchester United waqtigii dheeraadka ee ciyaarta lagu daray. Weeraryahankan ayaa kubbad uu xerada ganaaxa kula jiray ku toogtay koornaha midig ee hoose ee goolka, waxaanay u muuqatay inay United halkaas ku dabbaal-degi doonto, balse Mendy ayaa shaqadiisa qabsaday.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-0 ay labada kooxood dhibcaha ku wadaageen.