Patrice Evra Oo Magacaabay Xiddigihii Ugu Fiicnaa Kulankii

Patrice Evra ayaa dhulka ku jiiday ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester United iyo Chelsea ee shalay barbarraha  goolal la’aanta ah ku kala baxay kulankoodii Old Trafford.

Ole Gunnar Solskjaer iyo Frank Lampard ayaa kulan si weyn loo sugayay waxay ku dhamaysteen goolal la’aan iyadoo ay waliba yaraayeen fursadaha ay kooxahoodu heleen, taas oo la moodayay inay kala baqayeen amaba ay heshiis ku ahaayeen in aanay wax goolal ah kala dhalinin.

Patrice Evra oo ku jiray falanqeeyeyaashhii ciyaarta ayaa waxa uu dhaliillay ciyaartoyda labada kooxoodba, waxaanu magacaabay naadi walba xiddigii ugu fiicnaa, taas oo iyada laf-ahaanteeduna ahayd mid uu dhalliishooda kusoo bandhigayay.

Manchester United ayay guul la’aantani keentay inay fadhiisato kaalinta 15aad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, halka Chelsea ay booska shanaad u dhacday, taas oo culays weyn ku ah labada tababare oo shaqadoodu halis ku jirto.

Patrice Evra ayaa intii ay ciyaartu socotay iyo dhamaadkeediiba waxa uu niyad-jab ka muujiyey wax uu ugu yeedhay ‘tayo-xumada’ kulanka ka dhacay qalcadda riyada ee Theatre of Dreams ee Manchester United, waxaanu shaaciyey magacyada labadii ciyaartoy ee ugu fiicnaa labada kooxood oo ahaa laba difaac.

Evra oo fadhiyey istuudiyaha telefishanka Sky Sports ayaa yidhi: “Dabcan waxay ahayd ciyaar caajis ah oo aanan xataa arag toddoba baas oo wanaagsan oo xidhiidh ah.

“Ciyaartoydu waxay ku ciyaarayeen jaaket is-barbaadin ah aniguna ma jecli sidaa. Waxaan doonayay madadaalo, waxa aan doonayay in ciyaartoydu ay cabsi la’aan ku ciyaaraan.

“Ciyaartoyga ugu wanaagsan Chelsea waxa uu ahaa Thiago Silva, laacibka ugu fiicnaa Manchester United na wuxuu ahaa Victor Lindelof, manay ahayn wax ku filan labada kooxood.

“Goolhahyaha Chelsea ee Mendy ayaa isaguna ciyaar wanaagsan muujiyey laakiin waxay ila tahay in Thiago Silva uu ahaa maamulaha difaaca.

“Mendy wuxuu sameeyey xoogaa badbaadin wanaagsan ah, lamana yaabbanin in ciyaartani ay barbarro ku dhamaatay, sababtoo ah waxay ahayd mid ay aad u taxadarayeen.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More