Paul Pogba Oo U Kala Tarjumay Edinson Cavani & Ole Gunnar

Paul Pogba ayaa bedel ku soo galay qeybtii labaad ee kulankii ay barbaraha goolal la’aanta la galeen Chelsea si la mid ah saxiixa cusub Edinson Cavani iyadoo ay markaas Manchester United raadineysay goolka guusha.

Goolka ma uusan imaanin laakiin bedelka uu sameeyay tababare Solskjaer ayaa toosh ku iftiimiyay awooda luqadeed xiddiga khadka dhexe Paul Pogba kaasoo ku hadli kara luqado dhowr ah.

Pogba ayaa la arkayay isagoo u kala tarjumaya Ole Gunnar Solskjaer iyo Edinson Cavani, madaama xiddiga reer Uruguay uusan ku hadli karin Ingariis.

Weeraryahankii hore ee PSg ayaa ku hadli kara Isbaanish oo dalkiisa Uruguay looga hadlo, Talyaaniga iyo Faransiis, laakiin Pogba ayaa la sheegay inuu Cavani kula hadlayay luqadiisa Isbaanishka.

Pogba translated Solskjaer’s instructions into Spanish for Cavani ?

? @DAZN_CA pic.twitter.com/lfIGiWPf8V

— Goal (@goal) October 24, 2020

Pogba wuxuu ku hadli karaa afar luqadood oo kala ah: Faransiis, Talyaaniga, Ingariis iyo Isbaanish. Luqada Faransiiska waa mida uu ku dhashay, Talyaani iyo Ingariis wuxuu ku bartay inuu muddo ku noolaa Italy iyo England laakiin luqada Isbaanishka waa mid uu si gaar ah u bartay madaama uusan waligiis degin Spain.

Pogba ayaa ka yaabsaday dad badan sannadkii 2018 markii uu socday Koobka Adduunka iyadoo TV Isbaanish ah ay wax ka weydiiyeen xulka Peru iyagoo doonayay inay ku wareystaan luqada Ingariiska.

Laakiin Pogba ayaa ku hadlay Isbaanish fasiix ah isagoo wareysiga ku dhameystay luqada Isbaanishka oo uu si fiican ugu hadli karo.

Paul Pogba speaks four languages.pic.twitter.com/hzXl0Vg6vf

— Aaron Bastani (@AaronBastani) June 26, 2018

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More