“Ma Fahmi Karayo Sababta Ay Mar Walba Noogu Dhacdo In…..”

Ronald Koeman ayaa dood ka keenay go’aankii Real Madrid lagu siiyey rikoodhaha qaybta labaad ee kulankii El Clasico, taas oo Barcelona lagu garaacay 3-1.

- Advertisement -

Garsoore Juan Martinez Munuera oo VAR-ka hayay ayaa xukumay in Clement Lenglet uu qalad ku galay Sergio Ramos oo uu jiitay iyagoo xerada ganaaxa ku wada jira, waxaana rikoodhaha gool u sarrifay Sergio Ramos oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ka hor intii aanu Luka Modric oo beddel kusoo galay waqti dambe soo afjarin rajada Barcelona oo aanu ciyaarta ka dhigin 3-1.

Koeman oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aanka Sergio Ramos rikoodhaha loogu dhigay aanu sax ahayn, waxaanu ku dooday in kooxdiisa Barcelona ay si wanaagsan u ciyaartay, isagoo yidhi: “Si fiican ayaanu u ciyaarnay, waxaanu abuurnay fursado. Qaybtii labaad, sidoo kale waanu fiicnayn.

“Anigu ma fahmayo (sababta rikoodhaha loo siiyey Real Madrid), ciyaartana umaanaan qalmayn inaanu guul-darraysano.

“Waxaan fahmi waayey go’aamadii garsooraha garoonkood. Go’aanka rikoodhaha ayaa in badan saamayn ku yeeshay natiijada ugu dambaysa. Illaa intii laga gaadhayay rikoodhaha waanu fiicnayn. Rikoodhaha ayaa saamayn weyn nagu yeeshay. Maan fahmin VAR, waxayna ila tahay in VAR uu shaqeeyo marka uu Barcelona kasoo horjeedo oo kaliya. Tani mar walba way dhacdaa.

“Shan ciyaarood ayaanu soo dheelnay xili ciyaareedkan, walina kamaanaan faa’iidaysan VAR. Kaadhkii Getafe… umaanaan qalmayn inaanu guul-darraysano markan. Garsooraha waxaan u sheegay in aan rajaynayo inaan helo qof ii sharrixi kara sida uu VAR uga shaqeeyo Spain. Shan kulan ayaanu ciyaarnay, VAR na waxay ahayd mid naga soo horjeedda oo aan marna noo hiilinin.”

Kulamadii Getafe, Sevilla iyo Real Madrid ayuu sidoo kale ka cawday tababare Ronald Koeman, waxaanu yidhi: “Rikoodhe ma ahayn Lionel Messi ciyaartii Sevilla, sidoo kalena labadii kaadh ee Getafe. Waxa aan weydiiyey sababta VAR uu mar walba nooga soo horjeedo. Kalamaan hadal Lenglet dhacdadan, waxaanay ila tahay inuu Ramos qalad ku sameeyey Lenglet markii hore. Way jirtay is-qabsi laakiin ma ahayn tuutis ku filan inuu dhulka sidaa ugu dhaco… haddii sidaa laguu jiito waa inaad hore u dhacdo e maaha inaad dib u dhacdo.”

Tababare Ronald Koeman waxa uu ciyaartoyda Real Madrid ku eedeeyey inay istuur-tuuraan, waxaanu yidhi: “Waxa iska caadi ah in ciyaartoyda Real Madrid ay isku dayaan inay sameeyaan sababtoo ah waxay ku helaan rikoodheyaal. Anigu taas dhibaato kuma qabo. Garsooraha ayay tahay go’aankiisa, isagoo la kaashanaya VAR (haddii ay rikoodhe tahay iyo haddii kale). Ma doonayo inaan hadlo wax intaa ka badan, laakiin wuxuu ahaa waqti xaasaasi u ah ciyaarta.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More