Manchester United ayaa dhaqan gelisay 12 bilood oo kale oo ay ku kordhisay heshiiska ay kula jirtay laacibkeeda khadka dhexe ee Paul Pogba, kaas oo sii joogi doona Old Trafford illaa June 2022.Sida uu dhigayay heshiiskii ay Manchester United sannadkii 2016kii kula soo wareegtay Pogba, shanta sannadood ee heshiiskiisa ee hadda midkii ugu dambeeyey uu socdo ayaa waxay United awood u lahayd inay sannad kale oo lixaad ku kordhin karto haddii ay ku qanacdo, taas oo ay hadda si rasmi ah u go’aansatay inay dhaqan-geliso.Paul Pogba…