Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Barcelona Oo Karbaashtay Juventus Oo Garoonkeeda Joogta,
Barcelona ayaa 2-0 ku garaacay Juventus oo ay ugu tagtay garoonkooda Allianz Stadium, waxaanay iskaga soo maydhay guul-darradii ugu dambaysay ee Sabtidii ay Real Madrid u xambaarisay.Ciyaartan oo uu gurigiisa ka daawanayay Ronaldo oo xanuunka Korona Fayras u fadhiyey ayaa waxa qaybtii hore gool qurux badan Barcelona u dhaliyey weeraryahanka reer France ee Ousmane Dembele oo kubbad uu meel fog ka toogtay dhex dhigay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Wojciech Szcesny oo isagoon is-dhaqaajin arkay kubadda oo goolka dhex…
Marcus Rashford Oo Goolal Deg-deg Guul Ugu Go’aamiyey Man
Manchester United ayaa guushii labaad oo xidhiidh ah kasoo hoysay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, waxaanay 5-0 ku garaacday kooxdii awoodda badnayd ee RB Leipzig.United oo hore uga soo adkaatay PSG oo ay marti u ahayd kulankii hore oo ay 2-1 kaga soo badisay, ayaa waxay marti gelisay RB Leipzig, iyadoo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer isbeddel badan ku sameeyey safka kooxdiisa oo uu kusoo bilaabay saxeexiisa cusub ee Donny van de Beek iyo Mason Greenwood.Da’yarka reer England ee Greenwood ayaa United u furay…
Chelsea Oo Guushii Ugu Horreysay Ee Champions League Ka
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul weyn kasoo gaadhay waddanka Ruushka oo ay ugu tagtay naadiga Krasnodar oo ay kusoo garaacday 4-0.Chelsea oo kulankii hore barbarro goolal la’aan ah garoonkeeda Stamford Bridge kula gashay Sevilla ayaa u safartay Ruushka, waxaana shax uu isbeddel badan ku sameeyey Lampard ay awood ugu yeelatay inay libintii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan tartanka Champions League ka diiwaangashato.Blues ayaa bilowgii ciyaarta heshay rikoodhe uu ka khasaariyey Jorginho oo afartii rikoodhe ee ugu…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester United vs RB Leipzig
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kula ciyaaraysa RB Leipzig iyadoo maanka ku haysa in guul ay u baahan tahay si ay hoggaanka Group H usii hayso.United ayaa usbuucii hore waxay 2-1 kusoo garaacday PSG, halka RB Leipzig ay cudud kusoo jiidhay kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksekir, taas oo kulankooda ka dhigtay in midkooda badiyaa uu si buuxda hoggaanka ugu qaban doono Group-kan oo hadda ay farqiga goolasha ku haysa Leipzig.Labadan kooxood ayay ciyaartoodani tahay markii ugu horreysay ee ay isku arkaan…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Juventus vs Barcelona – Koeman
Juventus ayaa garoonkeeda Allianz Stadium ee magaalada Turin waxay ku qaabilaysaa Barcelona oo ay isku haleelayaan kulankooda koowaad ee wareegga Groups-ka tartanka Champions League.Ciyaartan xiisaha leh oo uu ka maqan yahay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo aan nasiib u yeelanin inuu garoonka kooxdiisa ku garaaco Lionel Messi oo xafiiltan weyni ka dhexeeyo ayaa waxa uu kasoo kaban waayay Korona Fayras oo saddex jeer oo laga baadhay intaba laga helay.Lionel Messi oo aan wali ku guuleysanin garoonkan Juventus ee…
Diyaar Baan Ahay Reer Barcelona!! Cristiano Ronaldo Oo Ka
Cristiano Ronaldo ayaa qaaday tallaabo layaab leh ka hor ciyaarta mar dhow bilaabmaysa ee Juventus ay la ciyaari doonto Barcelona oo uu isagu kaga maqan yahay xanuunka Korona Fayras.Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa laga joojiyey inuu ka hor tago xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ee ay muddada dheer kusoo xafiiltamayeen garoomada, kaddib markii saddex jeer oo kala duwan laga helay xanuunka.Laakiin Ronaldo ayaa garab taagan kooxdiisa oo ka dhiirigelinaya baraha bulshada, iyadoo uu intaa…
Ronald Koeman Oo Halis Ugu Jira In Ganaax AFAR Ciyaarood Ah
Xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF, guddida u qaabilsan tartamada ayaa helay warbixinta tababare Ronald Koeman, Xavi Vilajoana oo ah agaasimaha Barcelona iyo weeraryahanka Getafo ee Cucho Hernandes.Saddexdan qof oo lagu haysto eedaymo ay u jeediyeen garsoorka, ayaa waxa uu xidhiidhku daraasaynayaa, go’aanna ka gaadhi doonaa ciqaabta uu marsiinayo, iyadoo tababare Koeman la sheegay in illaa afar ciyaarood laga ganaaxi doono.Tababaraha Real Betis ee Manuel Pellegrini, Joel Robles iyo Alvaro Cervera ayaa iyagana hore kiisas…
Tababarihii Lala Xidhiidhinayay Man United, Man City,
Mauricio Pochettino oo toddobaadyadii ugu dambeeyey lala xidhiidhinayay kooxaha waaweyn ee Yurub ee ku dhibaatoonaya horyaallada iyo Champoions League ee Mauricio Pochettino ayaa wada-hadallo la bilaabay koox lama filaan ah oo qaaradda Yurub ka dhisan.Mauricio Pochettino ayaa usbuucyadii ugu dambeeyey ay wararku sheegayeen inay hayso diiradda Manchester United oo doonaysa inay ku beddesho Ole Gunnar Solskjaer oo ay kooxdiisu kaalinta 15aad kaga jirto kala-sarraynta horyaalka Premier League, Chelsea oo qaab xun ku bilaabatay…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Krasnodar – Lampard Oo
Chelsea ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay xilli ciyaareedkan ee Champions League ka dib markii ay barbaro kala kulmeen isbuucii la soo dhaafay kooxda Sevilla ee dalka Spain.Kooxda Ingariiska ayaa caawa joogta ah dalka Ruushka iyagoo la ciyaaraya kooxda reer Russia ee Krasnodar kuwaasoo taageerayaasha labaad ee ugu badan ku leh dalkaas.Tababare Frank Lampard ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa isagoo markii ugu horeysay ku soo bilaabay saxiixii xagaaga Hakim Ziyech kaasoo weli aan ku soo bilaaban shaxda Blues tan iyo…
AFAR Xiddig Oo Arsenal Ka Tagay Islamarkaana Xiddigo Waa
Serge Gnabry ayaa dad badan qarow ku rida, sida ciyaartoyda ka hortimaada, tababarayaasha ka horyimaada iyo taageerayaasha Arsenal.Gnabry ayaa ku hungoobay Gunners laakiin haatan xiddig weyn oo garab ka ciyaara islamarkaana dhawaan ku guuleystay Champions League.Xiddiga Jarmalka kaliya ma ahan, xiddig ka tagay Arsenal oo laacib weyn ku noqday koox kale.Jariirada The Sun ayaa soo bandhigtay shan xiddig oo isaga tagay Gunners kuwaasoo kooxo kale ku noqday xiddigo waa weyn.SERGE GNABRYXiddiga garabka ka ciyaara ee Jarmalka oo…