Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Xiddiga Man United Fred & Jurgen Klopp Oo Kuwada Qoslay
Labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester United ayaa ku riyaaqay guulo Champions League ah todobaadkan.Liverpool waxay habeenkii Talaadada 2-0 kaga badisay kooxda reer Denmark ee Fc Midtjylland ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Diogo Jota iyo Mohamed Salah.Habeenkii ku xigay Manchester United ayaa 5-0 ku xasuuqday RB Leipzig oo marti ku aheyd Old Trafford. Marcus Rashford oo bedel ku soo galay ayaa dhaliyay seddexleey halka Mason Greenwood iyo Anthony Martial ay shabaqa soo taabteen.Laakiin waxaa jira wax kale oo ay labada…
Darajo U Gaar Ahayd Messi Oo La Gaadhsiiyay, Shuruuda Ay
Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona kana mid ah xiddigaha hormoodka u ah kooxdaas ee Gerard Pique ayaa lagu soo warramayaa in heshiiskiisa cusub ee kooxda lagu daray qandaraas u ogolaanaya in marka uu doono uu bilaash ku bixi karo waana darajo hore gaar ugu ahayd Lionel Messi.Heshiiska cusub ee uu xiddigii hore ee Manchester United u saxeexay kooxdiisa ayaa ah mid gaadhsiisan ilaa 2024 waxaana sida ay wararku sheegayaan lagu daray qoddobo ay isaga iyo kooxduba marka ay doonaan ay ka shaqaysiin karaan.Pique oo 33 sano jir ah…
“Anigu Maan Arag Barcelona-dii Hore, Kalsooni Badan Kuma
Halyeeyga kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa shaaca ka qaaday dareenkiisa kooxdiisii hore iyo haddiiba ay awood buuxda u leedahay inay ku guuleysato UEFA Champions League markeedii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2015.Xilli ciyaareedkii hore ayaa kaliya qalalaase iyo dib u dhac kusoo ahaa Barcelona iyagoo horyaalka La Liga booska 2-aad ka galay una waayay Real Madrid halka ay Champions League kaga hadheen gacmaha Bayern Munich oo 8-2 dhulka ku dhigtay.Kooxda Catalans-ka ah ayaa ku jirta wakhti kala guur ah iyadoo uu tababaraha…
Andrea Pirlo Oo Qirtay In Qorshihii Uu Soo Dejistay Ka Hor
Tababare Andrea Pirlo ayaa qirtay inuu u shaqayn waayey qorshihii uu u dejistay kulankii kooxdiisa Juventus ay guul-darradu kasoo gaadhay ee Barcelona ay ku garaacday 2-0.Pirlo oo laba kulan oo kaliya ay kooxdiisu guuleysatay xili ciyaareedkan, isla markaana ay saddex ciyaarood oo Serie A oo isku xiga soo barbarraysay ka hor intii aanay Barcelona ku garaacin Allianz Stadium.Saddex gool oo aan waxba tarin oo dhamaantood offside ahaan looga masaxay ayay Juventus heshay, waxaana u saxeexay Alvaro Morata, halka Barcelona ay…
Tii Horeba Tanaa Ka Daran!! Barcelona Oo Barteeda Twitter-ka
Kaddib guushii 2-0 ahayd ee ay Barcelona kasoo gaadhay Juventus oo ay ugu tagtay magaalada Turin ee waddanka Talyaaniga, waxay weerar ku qaadday Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa oo ay ku karbaashtay baraha bulshada.Kooxda reer Catalonia ayaa guul-darrooyin isku xigay oo kasoo gaadhay tartanka horyaalka Spain ee LaLiga, waxay iskaga maydhay Juventus oo waqti hore uu gool masaafo fog ah ka dhaliyey Ousmane Dembele oo goolhaye Wojciech Szczesny u diiday inuu is-dhaqaajiyo.Daqiiqaddii 91aad ee dhamaadka ciyaarta ayaa Barcelona…
“Bartomeu Wuxuu Ahaa JAAHIL Aan Waxba Ka Garanayn Kubadda
Madaxweynaha horyaalka kubadda cagta Spain ee LaLiga, Mr Javier Tebas ayaa mar kale weerar ku qaaday Madaxweynihii Barcelona ee iscasilay ee Josep Maria Bartomeu, waxaana uu laba maalmood gudahood warbaahinta u mariyey hadallo laf jab ah oo uu kusii sagootiyey.Bartomeu oo Salaasadii is casilay ayaa shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey waxa uu ku sheegay in Barcelona ay aqbashay samaynta tartanka European Super League oo meesha ka saaraya Champions League, isla markaana ay kooxaha waaweyn dhinac iskugu urursanayaan iyagoo…
Muxuu Solskjaer U Sheegay Marcus Rashford Markii Uu Garoonka
Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa loo xil-saaray inay dhamaystiraan oo ay buuxiyaan gol-daloolooyinkii kooxdooda ee saacaddii ugu horreysay kulankii RB Leipzig ay guusha weyn kaga gaadheen.Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku qaabishay RB Leipzig, waxaana gool u dhaliyey qaybtii hore da’yarka Mason Greenwood, waxaase Leipzig ay isku dayaysay inay hesho goolka barbarraha iyadoo culays saaaraysay Red Devils.Ole Gunnar Solskjaer ayaa daqiiqaddii 63aad guud ahaan beddelay qaab ciyaareedkii kooxdiisa markaas…
Mid Ka Mid Ah Daafacyada Ugu Muhiimsan Man United Oo Uu
Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Alex Telles uu ku dhacay Korona Fayras.Xiddiga reer Brazil ayaa wacdarro dhigay kulankiisii ugu horeysay ee ay 2-1 kaga badiyeen Paris Saint-Germain todobaadkii la soo dhaafay.Si kastaba, waxay keentay in laga reebo kooxdii Man United ee barbaraha la gashay Chelsea halka uu sidoo kale seegay kulankii ay xaly 5-0 ku xasuuqeen kooxda RB Leipzig.Tababaraha Manchester United Solskjaer ayaa xaqiijiyay ka dib ciyaartii xalay in saxiixooda cusub ee ka yimid FC Porto inuu ku dhacay Korona…
Qiimeynta Ciyaaryahanadda Ee Kulankii Ay Barcelona Dubatay
Qaab ciyaareed dhameystiran ayay Barcelona soo bandhigtay kuwaasoo ka faa’ideystay koox aan tababar badan laheyn oo Juventus ah iyagoo isku ilowsiiyay qarowgoodii El Clasico.Guul weyn ayay u aheyd tababare Koeman laakiin su’aalo badan ayuu kulankaan dul dhigay tababare Andrea Pirlo kaasoo aan qaab fiican ku bilaabanin xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay.Maqnaanshaha Ronaldo ayaa inoo diiday inaan daawano cutubkii ugu danbeeyay ee xafiiltanka u dhaxeeya labada xiddig ee ugu fiican dunida. Messi oo ku faraxsanaa inay iscasileen…
Rashford Oo Barbareeyay Rikoodhkii Solskjaer &
Kulamo xiiso leh ayaa caawa la ciyaaray wareega group-yada Champions League iyadoo natiijooyin lama filaan ah ka soo baxeen.Manchester United ayaa guushii labaad oo xiriir ah ka gaartay wareega group-yada Champions League iyagoo 5-0 ku xasuuqay kooxda hogaamineysa horyaalka Bundesliga ee RB Leipzig.Marcus Rashford oo bedel ku soo galay ayaa 18 daqiiqo gudaheed ku dhaliyay seddex gool isagoo noqonaya ciyaaryahankii labaad ee abid Manchester United seddexleey u dhaliya isagoo bedel ku soo galay, iyadoo xiddigii ugu horeeyay ee…