Atletico Madrid Oo Dhamaystirtay Heshiiska Lui Suarez Iyo

Luis Suarez ayaa si rasmi ah u dhamaystiray heshiiska uu ugu wareegay kooxdii ay horyaalka La Liga ku soo xifiltameen ee Atletico Madrid kadib markii ay maamulka kooxdiisii hore ee Barcelona ay si xun uga saareen Camp Nou.

Luis Saurez ayayna waqti badan ku qaadan in uu ka soo jawaabo fariintii qiirada lahayd ee uu Lionel Messi ka helay taas oo uu kabtanka kooxda Barca ku macasalaameeyay Suarez isla markaana uu ku weeraray boodhka Camp Nou ee qaabka ay Suarez ula dhaqmeen.

Lionel Messi oo aan gabi ahaanba wax xidhiidh ah la lahayn maamulka Bartomeu isla markaana uu xidhiidhkoodu burburay ayaan geed ugu soo gaban in uu dhaliishii ugu waynayd u jeediyo maamulka kooxda Barca ee qaabka ay Suarez ugu qasbeen in uu Atletico Madrid ku biiro.

Laakiin Luis Suarez ayaa ka soo fal celiyay fariintii uu ka helay saaxiibkiisii ugu fiicnaa Barcelona ee Lionel Messi kadib markii uu si rasmi ah u noqday ciyaartoy Atletico Madrid ah.

Fariinta Messi ee kubbada cagta qabsatay waxaa sidoo kale ka soo jawaabay Neymar Jr iyo Fabregas iyada oo Neymar uu muujiyay in hab dhaqanka Bartomeu aanu isaga ku ahayn wax cusub.

Hadaladii Messi uu fariinta ugu diray Suarez waxaa ka mid ahaa: “Adigu umaad qalmin in kooxda lagaaga tuuro sida ay sameeyeen, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in heerkan ayna waxba intaas wax ka badan iga sii yaabinayn”.

Haddaba fariinta uu Suarez kaga soo fal celiyay qoraalkii qiirada lahaa ee uu Lionel Messi ka helay ayuu Suarez jawaabtiisa ku bilaabay: “Saaxiib waad ku mahadsan tahay kalmadahaaga, laakiin waxaad in ka badan ku mahadsan tahay cida aad tahay, wixii aad ii ahayd ilaa maalintii ugu horaysay aniga iyo qoyskayga”.

Suarez oo jawaabtiisa Messi sii wata ayaa yidhi: “Anigu waligay waxaan mahad u hayn doonaa bini aadamtinimada Leo Messi, farxada iyo dareenka, sababtoo ah qofkastaaba wuu yaqaanaa ciyaartoyga”.

Suarez ayaa Messi xusuusiyay waxa uu hore ugu soo sheegay wuxuuna yidhi: “Marnaba ha ilaawin wixii aan kuu sheegay adiga: “Waxaan sii wadan doonaa in aan ku raaxaysto oo aan muujiyo in adigu aad tahay, ka kowaad, labaad, saddexaad ama afraad iyo sida aad ugu wayn tahay kooxda ee aduunka kubbada cagta”.

Suarez ayaa fariintiisa ku soo xidhay: “Saaxiib aad ayaan kuu jecelahay isla markaana waanu kuu darsan doonaa dhamaan shantayadu (qoyskiisa)”.

Dhinaca kale Neymar Jr oo daawanayay saaxiibadiisii Barcelona ee Messi iyo Suarez oo waqtiyo aan la rumaysan karin oo xun ku qaadanaya halkii ay kubbada cagta kaga soo yaabsadeen ee Camp Nou ayaa fariin kooban kaga soo fal celiyay macasalaamayntii Messi ee Suarez ee uu Messi kaga xumaaday in Suarez kooxda qasab looga eryay.

Neymar Jr oo hore madax wayne Bartomeu ugu sifeeyay madax wayne khiyaali ama kaftan ah ayaa fariinta qiirada lahayd ee Messi u dirayay Suarez waxa uu kaga soo fal celiyay: “Waa wax aan la rumaysan karin sida ay waxyaabaha u sameeyaan”.

Si kastaba ha ahaatee, Luis Suarez ayaa hadda noqday ciyaartoyda Atletico Madrid ah wuxuuna horyaalka La Liga kaga hor iman doonaa ciyaartoyga uu dunida ugu jecel yahay ee Messi kaas oo ay saaxiibtinimo layaableh ku soo yeesheen garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More