Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Dietmar Hamann Oo Magacaabay Kooxda Hanashada Premier League
Dietmar Hamann ayaa aaminsan in kooxda Jose Mourinho ee Tottenham inay fursad u heysato inay hanashada horyaalka Premier League ku garaacdo Liverpool iyo Manchester City xilli ciyaareedkan.Liverpool waxaa u taala shaqo adag oo ay ku difaacanayaan horyaalka madaama uu ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo seegaya inta badan xilli ciyaareedkan, halka Liverpool uu dhaawac kale ka soo gaaray xiddigii buuxinayay booskiisa ee Fabinho xalay.Van Dijk ayaa gabi ahaanba bedelay kooxda Liverpool tan iyo markii uu yimid sannadkii 2018 isagoo…
“Marka Ay Eeyaha Qeyliyaan, No.9 Wuu Iska Dhegotiraa” -Karim
Karim Benzema ayaa baraha bulshada ku soo qoray fariin dahsoon oo uu kaga jawaab celinayo muuqaalkii maanta la baahiyay ee uu Ferland Mendy ugu sheegayay inuusan kubada u baasin saaxiibkooda Real Madrid Vinicius Jr.Sida uu baahiyay TV Faransa ka soo baxa, Benzema ayaa la maqlayay isagoo ka cabanaya qaab ciyaareedka Vinicius waqtigii nasashada ee kulankii ay barbaraha 2-2 ku qabteen kooxda Borussia Monchengladbach xalay oo Talaado aheyd.Barnaamijka Telefoot ayaa baahiyya muuqaal uu Benzema u cabanayo saaxiibkiisa Faransiiska…
Barcelona Oo Sheegtey Inay Ku Biireyso Tartan Cusub Oo Suuqa
Tartan cusub oo loogu magacdaray European Premier League oo in muddo ah la hadal hayay ayaa haatan u muuqdo mid si rasmi ah u dhaqangalaya iyadoo ay hor boodayaan kooxaha Liverpool iyo Manchester United.Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu oo shalay iska casilay xilka madaxtinimada ayaa sheegay in kooxda La Liga ka dhsian ay aqbashay inay ku biirto tartanka cusub ee suuqa looga saarayo Champions League islamarkaana ay isku baheysanayaan kooxaha ugu taajirsan Yurub.Kooxaha kale ee ogolaaday inay tartanka cusub ka mid…
Xiddig Man United U Dheela Oo Lagu Eedeeyay Inuu Xiriir La
Daafaca Manchester United Brandon Williams ayaa ku hanjabay inuu talaabo sharci ah ka qaadayo dadka faafinaya warar sumcad dil ku ah oo wareegaya baraha bulshada gaar ahaan Twitter.Baraha bulshada ayaa si weyn loogu wadaagay muuqaal muujinaya 20 jirkaan oo xiriir la sameynaya gabar 15 sanno jir ah, taasoo danbi ka ah UK madaama gabadha ay tahay mid aan qaangaarin.Laakiin ciyaaryahanka iyo kooxdaba ayaa beeniyay eedeymahaan iyagoo ku tilmaamay in muuqaalka la wareejinayo inuu yahay mid barnaamij been abuur ah lagu sameeyay oo…
Waa Kuma Xiddiga Fursada Dahabiga Ah Ee Uu Qiimihiisa Ku
Da’yarka daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Ronald Araujo oo kamida xiddigaha la filayo inay booskooda sii haystaan kulanka Juventus ee caawa ayaa haysta fursad weyn oo uu iskugu muujiyo tababarihiisa Ronald Koeman.Ronald ayaa la filayaa inuu kusoo bilaaban doono daafaca dhexe isaga oo buuxinaya kaalinta uu ka ganaaxan yahay Gerard Pique si uu lamaane daafaca dhexe ugula noqdo Clement Lenglet.Da’yarka ree Uruguay ayaa heli doona fursadiisii ugu horreysay ee uu ugu soo bilaabanayo kulan Champions League ah kaddib markii uu…
Mesut Ozil Oo Laga Shaqo Galiyay Kooxda Roma, Nooca Shaqada
Kubad sameeyaha kooxda Arsenal wakhtiga adag ku maraya ee Mesut Ozil ayaa qaab kaftan ah looga shaqo siiyay kooxda ree Talyaani ee AS Roma xilli uusan wax fursad ah mudo toddoba bilood ah ka helin macalinkiisa Mikel Arteta.Xiddiga ree Germany ayaa laga reebay labada liis ee kooxdiisa u metelaya tartamada horyaalka Premier League iyo UEFA Europe League taas oo hadal hayn badan dhalisay.Talaabadaas ayaa noqotay mid culus oo in badan laga faalooday maadaama ay lama filaan noqotay in ciyaaryahan 2018-kii heshiis qaali ah u…
ISLAAM NACAYBKA France Oo Kubadda Cagta Galay & Talaabadii
Kooxda ree France ee Marseille ayaa xalay muujisay dhacdo kale oo fadeexad ku ah sumcadeeda ciyaareed kaddib markii ay la fal-gashay arrimo diinaha la xidhiidha oo muddooyinkan ugu dambeeyay ka socday dalkaasi.Ugu horreynba talaabada ay qaaday Marseille ayaa ahaa inaysan jilibka dhulka dhigin oo aysan taageerin ololaha cunsuriyada lagaga soo horjeedo ee Black Lives Matter “BLM” ee caalamiga ah.Kaamerooyinka ayaa qabtay xiddigaha Manchester City ee martida u ahaa Marseille oo jilibka dhulka dhigay dhammaantood isla markaana…
Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ee Uu Benzema Ku Eedeeyey Inuu
Real Madrid ayaa si adag ku bilaabatay Champions League xili ciyaareedkan waxaana xilli dambe ay xalay u dagaallantay barbarro ay la gashay Borussia Monchengladbach oo laba gool kaga horreysay balse daqiiqadihii 87aad iyo waqtigii dheeraadka ahaa ayay labada gool keeneen xiddigaha Los Blancos.Ciyaartii hore ayaa sidan oo kale loogala hor maray saddex gool oo Shakhtar Donetsk ay ku hubsatay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Thibaut Courtois, has eyeeshee waxay xilli dambe keeneen laba gool oo ka badbaadin kari waayey inay…
Jurgen Klopp Oo Qirtay In Dhaawac Halis Ahi Gaartey Fabinho
Jurgen Klopp ayaa qirtay in dhaawaca xalay soo gaadhay laacibka reer Brazil ee Fabinho aanu ahayn ‘mid fiican’, isla markaana uu uga dhigan yahay ‘dhibaatadii ugu dambaysay’ ee soo gaadhi lahayd kooxdiisa.Fabinho ayaa garoonka laga saaray daqiiqaddii 28aad ee ciyaartii ay xalay 2-0 kaga badiyeen FC Midtyjylland, taas oo uu dhulka fadhiistay, isla markaana garsooraha ciyaartu uu si degdeg ah ugu dalbay gargaar dhakhtar.Liverpool oo ay hore uga dhaawacnaayeen Virgil van Dijk oo inta ka hadhay xili ciyaareedkan maqnaanaya iyo…
Juventus vs. Barcelona – Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Cristiano
Juventus iyo Barcelona ayaa caawa isku haleelaya magaalada Turin, waxaanay foodda isku dari doonaan ciyaar hadal haynteedu badnayn oo taageereyaasha soo xasuusisay finalkii Champions League ee 2015 ay labadan kooxood iskugu yimaaddeen.Cristiano Ronaldo ayaa hadal-haynta ugu weyn ay ahayd maadaama uu ku dhacay Korona Fayras oo saddex jeer baadhitaano lagu sameeyey si loo ogaado haddii uu bad-qab ka yahay xanuunkan, waxaanay jamaahiirtu xiisaynayeen haddii ay markii ugu horreysay Lionel Messi iyo Ronaldo kulmi doonaan tan iyo…