Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Jawaabay Haddii Van De Beek Uu Khadka Dhexe
Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka jawaabay su’aashii ay jamaahiirta Man United is waydiinayeen ee ah haddii ay shaxda kooxdooda ku soo wada bilaaban doonaan Pual Pogba, Bruno Fernandes iyo saxiixa cusub ee Donny Van de Beek.
- Advertisement -
Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dooday in ciyaartoyda tayada sare lihi ay markastaba si wada jir ah u wada ciyaari karaan wuxuuna xaqiijiyay in waqti ay noqotaba ay jiri doonaan waqtiyo uu saddexdan xidig khadka dhexe ku soo wada bilaabi doono.
Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa isku dayay in aanu ciyaartoyda khadka dhexe ee tayada fiican ee kooxdiisa ku soo kooban Fernades, Van de Beek iyo Pual Pogba wuxuuna magacaabay in Fred, Matic iyo McTominay ay dhamaantood fiican yihiin oo ay tartan ku jiraan.
Solskjaer ayaa kulankii Crystal Palace kaydka ku soo qortay saxiixa cusub ee Van de Beek laakiin kadib markii uu saamayn fiican ku yeeshay markii uu badalka ku soo galay kulankii Crystal Palace ee uu dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ayaa la filan karaa in uu kulanka Brihgton soo qadimi karo.
Man United ayaa barri oo sabti ah marti u noqon doonta kooxda Brighton oo markale arbacada ugu laaban doonaan kulanka wareega afraad ee Carabao Cupka.
Ole Gunnar Solskjaer oo ka jawaabaya haddii ay shaxdiisa ku soo wada bilaaban karaan Pogba, Fernandes iyo Van de Beek ayaa yidhi: “Waa hagaag, waxaan filayaa in ciyaartoyda fiicani ay awood u leeyihiin in ay si fiican u wada ciyaaraan”.
“Laakiin sidoo kale Scott McTominay, Nemanja Matic iyo Fred ayaa ah ciyaartoy fiican, sidaa daraadeed waxaa boosaskaas ka jira tartan” ayuu Solskjaer hadalkiisa raaciyay.
Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlaya doorashooyinka kala duwan ee uu khadka dhexe u haysto ayaa yidhi: “Waxaan arki karaa isku xidhnaansho badan oo kala duwan oo khadka dhexe ah sidoo akle hanaanyo kala duwan. Ugu dhawaan waxaanu doonaynaa in aynu arno iyaga oo wada jira (Pogba, Van de Beek iyo Fernandes)”.
Kadib Ole Gunnar Solskjaer waxa uu ka hadlay guuldaradii Crystal Palace ka soo gaadhay kulankii furitaanka kooxdiisa ee Premeir League wuxuuna yidhi: “Dabcan anigu kumaan faraxsanayn ciyaartii Palace, diyaar umaanu ahayn in aanu ku ciyarno xoganaantii iyo tayadii la nooga baahnaa’.
Si kastaba ha ahaatee, Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa in uu shax ka duwan kulankii Crystal Palace soo safi doono kulanka Brighton ee barri si ayna kooxdiisu u lumin dhibco kale oo ayna niyadjab labaad la kulmin.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO Your browser does not support the audio element.