Mikel Arteta Oo Wax Laga Waydiiyay Xiisaha Kooxdiisa Arsenal Ee Thomas Partey, Houssem Aouar Iyo Jorginho
Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hor kulanka Liverpool waxaa wax laga waydiiyay haddii ay kooxdiisa Gunners la soo saxiixanayso Thomas Partey, Houssem Aouar ama xidiga kooxda Chelsea ee Jorginho.
- Advertisement -
Arsenal ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay xidiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey kaas oo heshiiskiisa lagu burburin karo 45 milyan gini.
Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar kaas oo lagu qiimaynayo 50 milyan gini laakiin Arteta ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu ka shaqaynayso in ay ciyaartoy cusub keento inta aanu suuqu soo xidhmin.
Balse Mikel Arteta ayaa ka gaabsaday in uu sharaxaad badan ka bixiyo xidigaha kooxdiisa sida gaarka ah loola xidhiidhinayo ee Thomas Partey, Houssem Aouar iyo Jorginho.
Markii Arteta wax laga waydiiyay xidigaha kooxdiisa lala xidhiidhinayo ayuu ku jawaabay: “Anagu waxaanu u furanahay in aanu kooxdayada horumar ku samayno, waxaanu eegaynaa doorashooyin kala duwan oo ku xidhnaanaysa waxa ku dhaca qaar ka mid ah ciyaartoydayada halkan jooga, sidaa daraadeed, waxaanu u diyaar garoobaynaa haddii aanu u baanaho in aanu wax samayno”.
Kadib Mikel Arteta ayaa lagu sii riixay in uu k ahadlo wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya xidiga kooxda Chelsea ee Jorginho wuxuuna yidhi: “Waan ka xumahay, laakiin ma awoodo in aan ka hadlo wax ku saabsan ciyaartoyda kooxaha kala duwan u ciyaaraya”.
Waxa uu Arteta sheegay in kooxdiisa Arsenal ay si la mid ah kooxaha kale la dhibtoonayso saamaynta xun ee dhaqaale xumada ee uu karoonuhu keenay: “Dhaqaale ahaan waxay Arsenal la mid tahay cid walba oo kale”.
Laakiin Arteta ayaa xaqiijiyay in bixitaanka ciyaartoy ka mid ah kooxdiisa Arsenal ay saamayn ku yeelan doonto ciyaartoyda ay keensan doonaan isaga oo muujiyay in ay doorashooyin badan oo kala duwan haystaan.
Arsenal ayaa isniinta imtixaankii ugu adkaa ee xili ciyaareedkan Anfield ku mari doonta marka ay Liverpool martida ugu noqdaan kulanka saddexaad ee Premier League wuxuuna noqon doonaa kulan ay isku arki doonaan laba kooxood oo soo wada guulaystay labadii kulan ee ugu horeeyay xili ciyaareedkan.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO Your browser does not support the audio element.