Xidig 80 Milyan Ku Qiimaysan Oo Manchester U Soo Duulaya Iyo Faah Faahinta Heshiiskan Qaaliga Ah. – AxadleTM.net

Manchester City ayaa markale lacag badan ku kharash garaynaysa difaaca kooxda Benfica ee Ruben Dias kaas oo ay kula soo saxiixanayaan 80 milyan kaas oo u soo duulaya magaalada Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska uu Etihad Stadium ugu soo wareegayo.

Man City ayaa doonaysa in heshiiska Ruben Dias uu qayb ka noqdo difaaca kooxdeeda ee Nicolas Otamendi kaas oo isna u wareegi doona kooxda Benfica.

Wararka laga helayo warbaahinta dalka Portugal ayaa sheegaya in Ruben Dias uu maalinta axada u soo duulayo magaalada Manchester si uu u dhamaystiro heshiiska qaaliga ah ee uu Man City ugu soo biirayo.

Sida lagu shaaciyay barnaamijka  show Mais Transferências ee ka baxa TVI24, Man City ayaa marka hore Ruben Dias ka bixin doonta 50 milyan gini waxayna sidoo kale ogolaadeen in ay lacago shuruudo ku xidhan oo 15 milyan gini ah siin doonaan kooxda Benfica.

Laakiin qiimaha Ruben Dias ayaan intaas oo kaliya ku koobnayn balse Nicolas Otamendi ayaa qayb ka ah heshiis guud ahaan noqonaya 80 milyan oo uu Dias ugu soo biiri doono kooxda Guardiola ee Man City.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in marka hore ay Man City bixin karto 60 milyan halkii ay ka bixin lahayd 50 milyan si lacagaha shuruudaha ku xidhan ee 15 ka milyan ah loog dhigi karo 10 ama 5 milyan iyada oo Benfica ka ordaysa in lacagaha shuruuda ku xidhani ay bataan.

Barnaamijka Mais Transferências ayaa lagu shaaciyay in Ruben Dias uu diyaar u noqon doono kulanka sabtida ee ay kooxdiisa Benfica la ciyaari doonto kooxda Moreirense laakiin waxa uu kulankaasi noqon doontaa kulankiisii ugu danbeeyay isaga oo maalinta axada u soo duuli doona magaalada Manchester.

Ruben Dias oo 23 sano jir ah ayaa ka mid ah da’yarta ay soo saartay xarunta barbaarinta da’yarta ee kooxda Benfica oo lagu tilmaamo warshada soo saartay ciyaartoyda mustaqbalka wayn ku leh kubbada cagta wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay ee Benfica saftay sanadkii 2017 kii.

Heshiiska Ruben Dias ee Benfica ayaa lagu burburin karaa €100 milyan yuro laakiin Man City ayaa doonaysa in ay lacag 50-65 milyan u dhexaysa ay Benfica siiso isla markaana uu Otamendi u wareego dhinaca Benfica si qiimaha €100 milyan ee heshiiska Dias lagu burburin karo xal loogu helo.

Guardiola ayaa doonaya in Ruben Dias uu ku soo xoojiyo difaaca kooxdiisa si uu tartan xoogan ugu galo koobka Premier League oo ay xili ciyaareedkii la soo dhaafay Liverpool u seegeen iyo waliba in uu horumar ka sameeyo rekoodhkiisa liita ee Champions League.

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More