Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Frank Lampard Oo War Cusub Kasoo Saaray Xaaladda Thiago

Frank Lampard ayaa ka hadlay xaaladda taam ahaansho ee ciyaartoyda kooxdiisa ee Thiago Silva iyo Kepa Arrizabalaga oo seegay ciyaartii Champions League ee Krasnodar ee Arbacadii, laakiin waxay su’aali ka taagnayd haddii ay taam u noqon karayaan kulanka horyaalka Premier League ee Burnley.Thiago Silva oo xagaagii ay lasoo saxeexatay Chelsea ayaa waxa uu ciyaaray kulankii barbarraha goolal la’aanta ahaa ee Manchester United, iyadoo 36 jirkanna lagu tilmaamay xiddigii ugu fiicnaa kooxdiisa Sabtidii, balse Rudiger ayaa beddelay…

Ryan Giggs Oo Daboolka Ka Qaaday In Louis Van Gaal Uu

Ryan Giggs ayaa shaaciyey in tababarihii horihii hore ee reer Netherlands ee Louis van Gaal uu caloosha feedh kaga dhuftay markii loo magacaabay tababaraha Manchester United ee ay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen.Van Gaal ayaa Manchester United ay tababaraheeda u magacowday sannadkii 2014kii iyadoo uu beddelay David Moyes oo markaa shaqada laga caydhiyey, halkaas oo isagana muddo kaddib la tusiyey albaabka oo lagu beddelay Jose Mourinho.Ryan Giggs ayaa tababare ku-xigeen looga dhigay Van Gaal, si uu gacan-yare ugu noqdo,…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Dundalk – Mikel

Arsenal ayaa isbeddel badan ku samaysay safkeeda kulanka tartanka Europa League ee ay kusoo dhoweynayso kooxda yar ee Dundalk, taas oo tababare Mikel Arteta ay muuqato in tamartooda iyo awooddoodaba uu dhayalsaday.Tababaraha reer Spain ayaa kaydka geliyey dhamaan ciyaartoydiisa waaweyn, waxaana aan ku jirin Aubameyang, Alexandre Lacazette iyo Willian, iyadoo ay afka hore joogaan Nicolas Pepe iyo labada da’yar ee Nketiah iyo Nelson.Khadka dhexe ayaanu joogin saxeexii cusbaa ee Thomas Partey, Dani Ceballos iyo Saka balse Xhaka…

De Bruyne, Ederson & Mise Diaz – Xiddigaha Man City Ee Pep

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayay suurtogal tahay inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona dhamaadka xili ciyaareedkan oo uu ku egyahay heshiiskiisa Manchester City, waxaana uu dib ula midoobi karaa Lionel Messi.Victor Font oo ka mid ah murashaxiinta Madaxweynaha Barcelona ee beddelaya Josep Martia Bartomeu oo iscasilay Salaasadii ayaa waxa ololaha ku gelayaa inuu Camp Nou kusoo celinayo Pep Guardiola, isla markaana uu kusii hayn doono kooxda xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo isaguna hore u…

Lionel Messi Oo Noqday Ciyaartoyga AFRAAD Ee Dunida Oo Dhan

Lionel Messi ayaa goolkii uu ka dhaliyey Juventus kulankii xalay ay 2-0 ugu soo dhiibeen Old Lady garoonka Allianz Stadium waxa uu u ahaa mid taariikhi ah oo ku daray liiska afarta ciyaartoy ee goolasha ugu badan ka dhaliyey kubadda cagta abid.Xiddigan lixda jeer ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan dunida ee Ballon d’Or ayaa gacan ka geystay goolkii koowaad ee uu Ousmane Dembele dhaliyey oo uu kubadda meel fog uga soo tuuray iyadoo uu dhinaca bidix joogay, halka uu laacibka reer France midigta weerarka…

Frank Lampard Oo Magacaabay Xiddigihii Ugu Adkaa Ee Uu

Frank Lampard ayaa magacaabay kooxdiisa riyada oo ka kooban xiddigihii ugu adkaa ee uu ka hor tegay waqtigii uu ciyaartoyga ahaa, kuwaas oo ka kooban toddoba laacib oo saddex ka mid ah aanad rumaysan karin.Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Ronaldinho ayaa ku jira shaxda xiddigihii ugu adkaa ee Lampard ay garoomada sida adag ugu xafiiltameen, iyadoo uu soo xushay laacibiintii ugu adkaa ee uu qabashadooda ku daalay amaba dhibaatada ugu badan usoo geystay kooxdiisa.Tababaraha Chelsea ee 42 jirka ah oo ka jawaabayay su’aalo ay…

Muxuu Yahay Dhaqanka Ay Leedahay Bayern Munich Ee Uu Toni

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa shaaca ka qaaday dhaqan ay lahayd kooxdiisii hore ee Bayern Munich oo uusan jeclayn xilli uu hadda sanadihii ugu dambeeyay guulo waaweyn la gaadhay kooxda caasimada Spain.Waxa uu nacay Toni Kroos ayaa ah in Bayern Munich oo ah koox ku xoogan arrimaha dhaqanku ay markasta xiddigaheedu casho tagi jireen kaddib kulamada Champions League gaar ahaan marka ay dalalka kale tagaan ee ay martida yihiin.Toni ayaa sheegay in haatan Real Madrid ay tahay mid sidaas ka duwan oo ay toos…

Shaxda Fashilka!! 11-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Ee Kooxahoodu

Shabakadda The Sun ayaa soo xulatay shaxda 11-ka ciyaaryahan ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League balse ay gabi ahaanba fogeeyeen kooxahoodu ee aan waxa muhiimada ah ee weyn u lahayn xilli ciyaareedkan.Shaxdan oo ay kooxaha waaweyni badsadeen ayuu goolhaye ka yahay Sergio Romero oo Man United ah, Romero ayaa ah shabaq ilaaliye cajiib ah balse hoos ugu dhacay xulashada saddexaad ee kooxdaas xilli ciyaareedkan kaddib soo laabashada Dean Henderson.Shaxdan oo hanaanka 3-4-3 u samaysay ayay saddexdeeda daafac dambeed yihiin…

Real Madrid Oo Isco Iyo Vinicius Jr. Ku Soo Bedelaneysa

Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Juventus iyo Argentina Paulo Dybala iyagoo u bandhigaya inay ku soo bedeshaan Vinicius Junior iyo Isco sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Talyaaniga.Dybala iyo madaxda Juventus ayaa waxaa haatan u socda wadahadalo qandaraaska loogu kordhinayo iyadoo kooxda Talyaaniga ay dooneyso inay ciyaaryahanka sii ceshato wixii ka danbeeya 2022.Laakiin Madrid ayaa aaminsan inay 26 jirkaan ku soo jiidi karaan Bernabeu iyagoo u balanqaadaya inuu buuxin doono booskii…

Xiddig Man United Ah Oo Isagoo Murugeysan Sawir Laga Qaaday

Aaron Wan-Bissaka ayaa isku maadeystay ka dib markii Man United ay 5-0 ku xasuuqday kooxda RB Leipzig kulankii Champions League.Daafaca midig ee Ingariiska ah ayaa ciyaaray 81 daqiiqo kulankii xlaay ka hor inta uusan bedelin Axel Tuanzebe.Sawirkii ay ciyaartoyda Man United iska qaadeen ka hor ciyaartii Old Trafford ayaa intooda badan waxaa ka muuqday jawi farxadeed.Laakiin inkastoo Fred oo dhinac joogay uu dhoolacadeynayay, Wan-Bissaka wuxuu u muuqday mid murugeysan.22 jirkaan ayaana ciyaarta ka dib is ogaaday in sawirkii uu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More