Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabinaya

Telefishanka beIN Sports ayaa soo saaray jadwalka wariyeyaasha ku qoran baahinta kulamada horyaallada dalalka Yurub ee maalmaha Sabtida iyo Axadda, waxaana wada jooga inta badan wariyeyaasha magaca weyn ee codkooda lagu maqlo inta ay ciyaaruhu socdaan.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo kulamadii saddexaad galay ayaa waxa toddobaadkan dhacaya kulamo xiiso badan oo inta badan uu telefishanka beIN Sports baahin doono, waxaana sidoo kale kulankii ugu horreeyey ciyaaraysa Barcelona oo intii hore fasax ku maqnayd, isla markaana isbedello waaweyn ay ku dhaceen intii uu suuqa furnaa.

Bayern Munich oo ku guuleysatay UEFA Super Cup oo ku garaacday Sevilla ayaa Axadda sii ambo-qaadi doonta xili ciyaareedkii labaad oo ay wacdaro ka dhigayso garoomada, halka Talyaaniga ay jiraan kulamo xiiso badan.

Telefishanka beIN Sports qaybtiisa luuqadda Carabiga ayaa baahisay liiska wariyeyaasha shaqada Sabtida iyo Axadda ku qoran ee qaban doona kulamada kala duwan ee horyaallada.

Labada wariye ee Rauf Khalif iyo Cusaam  Shuwaali ayaa diyaar ah oo jooga, waxaana sidoo kale macluumaadka kulamada lagu qoray sii urursanaya Cali Maxamed Cali, Yuusuf Sayf, Suwaar Dahab, Maxamed Barakaat, Xafiid Daraji iyo kuwo kale.

Wariyeyaasha kulamada waaweyn ee Sabtida iyo Axadda ee beIN Sports

Sabtida

Brighton vs Manchester United – Xafiid Daraji

Crystal Palace vs Everton – Axmed Baluushi

West Brom vs Chelsea – Cali Maxamed Cali

Inter Milan vs Fiorentina – Cusaam Shuwali

Real Betis vs Real Madrid – Khaliif Balushi

Axadda

Sheffield United vs Leeds United – Jawad Badah

Tottenham vs Newcastle – Caamir Khudrawi

Napoli vs Girona – Sawar Dahab

Hoffenheim vs Bayern Munich – (Lama shaacin)

Atletico Madrid vs Girona – Axmed Baluushi

Manchester City vs Leicester City – Cusaam Shuwali

Crotone vs AC Milan – Maxamed Barakaat

Roma vs Juventus – Cali Maxamed Cali

Barcelona vs Villarreal – Xafiid Daraji

Reims vs PSG – Nowfil Baashe.

XASUUSIN: Kulamada Isniinta ee ay ka midka tahay ciyaarta adag ee Liverpool vs Arsenal, waxa aanu idiin soo gudbin doonaa wariyeyaasha tabin doona marka uu telefishanku soo saaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More