West Brom vs Chelsea – Xiddigaha Cusub Ee Blues Ugu Soo

Chelsea ayaa kulankeedii saddexaad ee horyaalka Premier League waxay maanta iskaga hor imanayaan West Bromwich Albion oo kasoo dallacday heerka labaad, waxaanu tababare Frank Lampard u dagaallami doonaa inuu kusoo laabto jidka guusha kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee Liverpool ugu geysatay Stamford Bridge toddobaadkii hore.

Blues ayaa tegaysa garoonka The Hawthorns, waxaana la filayaa in xiddigaha cusub ee ay lasoo saxeexdeen ay kasoo muuqdaan kaddib Kai Havertz iyo Timo Werner oo labadii ciyaarood ee hore kusoo bilowday, waxaanay jamaahiirtu arki doonaan Thiago Silva iyo Ben Chilwell oo kulankii ugu horreeyey ee Premier League ah xidhan garanka Chelsea.

Gool uu madax kaga dhaliyey Sadio Mane iyo kubbad uu isku dhiibay Kepa Arrizabalaga oo uu Mane ka faa’iidaystay ayaa Chelsea guul-darrada loogu xambaarisay kulankii Liverpool, waxaana Lampard uu ku adkaystay in mar kale uu biraha dhexdooda ugu soo bilaaban doono goolhayaha reer Spain inkasta oo ay lasoo saxeexdeen Edouard Mendy oo aan wali tababar la qaadan kooxdiisa cusub.

Guul weyn ayay Chelsea kaga soo kabatay khasaarahaas, waxaanay ku tumatay Barnsley oo ay ciyaar ka tirsan Carabao Cup ku xasuuqeen, iyadoo uu saddexley dhaliyey Kai Havertz, taas oo uu difaaca kusoo bilowday Thiago Silva, isla markaana uu beddel kusoo galay Kai Havertz.

West Brom ayaa iyaduna ku jirta xaalad xun, waxaana labadii ciyaarood ee hore ay urursatay guul-darrooyin iyo lix gool oo laga dhaliyey, taas oo ka dhigan inay ugu hooseeyaan miiska kala sarraynta kooxaha.

Xogta kulanka

Ciyaarta: West Brom vs Chelsea

Tartanka: Premier League, usbuuca saddexaad

Waqtiga: 7:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: The Hawthorns

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Hakim Ziyech ayaa wali aan u safanin Chelsea sababtoo ah waxa uu ku maqan yahay dhaawac soo gaadhay kulamadii saaxiibtinimo waxaanu shaki ku jiraa inuu kulamada toddobaadkan diyaar u noqon karayo, laakiin Christian Pulisic ayaa isagana shaki ku jiraa kaddib dhaawac soo gaadhay.

Warka wanaagsan ee Lampard uu haystaa waa in Thiago Silva uu kulankiisii ugu horreeyey ugu soo bilaabanayo maanta, kaddib tijaabadii ciyaartii Carabao Cup ee Barnsley oo uu ciyaaray 60 daqiiqadood.

Chilwell ayaa sidoo kale kusoo bilaaban doona, waxaase goolhayaha uu u kala xulan doonaa Caballero iyo Kepa inkasta oo uu hore usii sheegay in goolhayaha reer Spain ee qaladaadka badan sameeyey uu kusoo bilaaban doono.

West Brom waxa ganaax kaa maqan Kieran Gibbs oo casaan la siiyey ciyaartii Everton, waxaana la filayaa in difaaca bidix uu kusoo bilaaban doono Conor Townsend.

Hal Robson-Kanu ayaa laba gool u dhaliyey West Brom ciyaartii ay barbarraha 2-2 la galeen Brentford laakiin waqti dambe ayaa la beddelay markii uu dhaawac soo gaadhay, waxaana aan la hubin inuu taam soo noqon karayo waqtiga kooban ee ka hadhsan kulanka.

Kamil Grosichki, Ahmed Hegazi iyo Kenneth Zohore ayaa iyaguna dhaawac kaga maqan kooxdooda.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

West Bromwich Albion: Johnstone; Furlong, Ajayi, Ivanovic, O’Shea, Townsend; Pereira, Sawyers, Livermore, Diangana; Robinson

Chelsea: Caballero; James, Zouma, Silva, Chilwell; Kante, Kovacic; Mount, Havertz, Werner; Abraham.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More