Miyay Barcelona Awoodaa Inay Koobab U Tartanto Kaddib

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ka hadlay haddiiba kooxda uu xifaaltanka tooska ahi ka dhaxeeyo ee Barcelona ay awood buuxda u leedahay inay koobab u tartanto kaddib markii ay xiddigo waaweyni ka baxeen gudaha suuqan.

Barcelona oo uu dib u habayn ku samaynayo tababare Ronald Koeman ayay ilaa hadda ka tageen xiddigo laga xusi karo Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Arthur Melo, Nelson Semedo iyo Luis Suarez oo asaasi ka ahaa kooxdaas.

Dhinaca kale Philippe Coutinho ayaa kasoo laabtay heshiis amaah ah oo uu ugu maqnaa Bayern Munich halka Miralem Pjanic uu heshiis ciyaartoy is-dhaafsi ugaga yimid Juventus oo qaadatay Arthur Melo.

Arrinta ugu muhiimsan ee xasaasiga ah ayaa ah in Lionel Messi oo ah udub dhaxaadka kooxdaasi uu qarka u fuulay inuu baxo walow uu gadaal ka go’aansaday inuu ugu yaraan xilli ciyaareed kale baaqi kusii ahaado Camp Nou.

Zidane oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka Real Betis ee caawa ayaa aragti ahaan sheegay in Blaugrana ay wali leedahay awooda ay ugu tartami karto dhammaan koobabka.

Zizou ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan noqon doonaa mid ixtiraama, intaas waxa dheer, anigu ma garanayo waxa gudaha ka soconaya taasi waa sababta aanan u doonayn inaan ku lug yeesho”

“Waxaan filayaa in koox kastaa dhibteeda iyo waxyaabaheeda ku adag qabto, waxaan filayaa Barcelona in marka laga eego safka iyo kooxda inay tahay koox waxkasta u dagaallami doonta, anigu wax shaki ah kama qabo”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More