“Waxaan Noqday Laadarka Filimka” – Ronald Koeman Oo Ka

Ronald Koeman ayaan wax weyn ka soo qaadin jawaab celintii carada laheyd ee uu Lionel Messi ak bixiyay bixitaankii Luis Suarez kaasoo ku biiray Atletico Madrid.

Tababaraha cusub ee Barcelona ayaa u ogolaaday weeraryahanka inuu ka tago kooxda xagaagan, inkastoo uu qirtay in go’aanka uu isaga kaliya gaarin.

“Waxay u muuqataa inaan ahay laadarka (qofka xun) ee filimkaan, wicitaankeygii Luis Suarez, waxaan tusay ixtiraam si shaqsi ah iyo mid ciyaaryahanimo ah” ayuu Koeman ku sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.

“Waxaan u sheegay haddii uu sii joogayo inay adkaan doonto inuu ciyaaro, laakiin haddii uu sii joogo inuu qeyb ka noqon doono kooxda.

“Ka hor inta aan u saxiixin Barcelona, kooxda waxay sii gaartay go’aamo qaar, aniguna waan taageeray go’aamadaas.

“Aniga kaliya ma gaarin go’aanka.

“Waa wax caadi ah in Messi uu murugoodo marka mid ka mid ah asxaabtiisa uu ka tago kooxda.

“Leo wuxuu tusaale u ahaa qof walba marka tababarka la joogo iyo marka kulamada la ciyaarayo.

“Marnaba kama arkin inuusan diyaar u aheyn xilli ciyaareedkan.

“Wuxuu soo bandhigay inuu si weyn ugu heelan yahay kooxda. Wax shaki ah kama qabo u heelanaantiisa kooxda.”

Isagoo ka hadlayay bedelka Suarez, Koeman ayaa sheegay in Barcelona ay raadineyso weeraryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

“Waxaan mar walba raadineynaa ciyaartoy horumarin kara kooxda” ayuu yiri ninka reer Holland.

“Waxay noqon kartaa in ciyaartoyda aan dooneyno aysan imaan karin sababtoo ah xaalada dhaqaale ee ay kooxda ku jirto, laakiin waan aqbalayaa taas, waana sii ogaa intaan kooxda imaanin.

“Waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo tayo sarre leh oo afka hore ka ciyaara.

“Haddii kooxda ay sii ahaato sida ay haatan tahay, waa qasab inaan aqbalno”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More