N’Golo Kante Oo Ugu Dambayn Go’aansaday Inuu Ka Tago

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee N’Golo Kante ayay ka go’an tahay inuu ka tago kooxdiisa xagaagan, waxaanu doonayaa inuu ka baxo horyaalka Premier League oo uu meel kale u guuriyo xirfaddiisa.

N’Golo Kante oo Chelsea kula guuleystay horyaalka Premier League sannadkii 2017kii ayaa waxa uu go’aansaday inuu soo afjaro waayihiisa Stamford Bridge oo uu kaga soo biiray Leicester City, waxaanu u xadhko xidhanaya kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan.

Sida uu qoray wargeyska Gazzetta dello Sport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, N’Golo Kante ayaa la midoobi doona tababarihiisii hore ee Antonio Conte oo si weyn u doonaya, halka Chelsea oo toddoba ciyaartoy oo cusub lasoo saxeexatay xagaagan ay u baahan tahay inay soo celiso qayb ka mid ah lacagtii ay suuqa gelisay.

Warku waxa uu sheegay in Inter Milan ay la kulmayso qiimaha Chelsea ay ku xidhayso saxeexa laacibkan oo ah £46 milyan oo Gini, isla markaana ay lacagta bixin doonto kaddib markii ay Blues iska diidday qorshihii kooxda Talyaaniga ee ahaa isku-beddel ciyaartoy oo lacagi la socoto.

Inter ayaa u bandhigtay Chelsea labada ciyaartoy ee Christian Eriksen oo xagaagii hore ay ka iibsadeen Tottenham iyo Marcelo Brozovic, waxaanay Blues kaliya doonaysaa inay soo celiso lacagta ka baxday qasnaddeeda maadaama ay lasoo saxeexdeen laacibiin da’yar oo aanay u baahnayn ciyaartooyo cusub oo khadka dhexe ah oo kusoo kordha.

Kanta oo ay da’diisu tahay 28 jir, waxa uu tiir dhexaad aanu booskiisu gorgortan geli karin ka yahay Stamford Bridge iyo xulka qaranka France, laakiin go’aankiisa ah inuu tago ayaa la sheegay inay tixgelinayso Chelsea oo ay kaliya ka doonayso in Inter Milan ay la kulanto qiimaha loo gooyey laacibkan.

Blues ayuu qorshaheedu ahaa in halkii uu ka tegi lahaa N’Golo Kante ay iibiso Jorginho oo ay doonayaan kooxo Talyaaniga iyo Premier League ah gaar ahaan Arsenal, balse go’aanka ka yimid Kante ayaa isbeddel ku keenaya qorshaha kooxda reer London.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More