Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Miyey Ducaysteen? Xiddigii Hurdada U Diiday Jurgen Klopp Ee

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayay waqti badan ku qaadatay inuu daraaseeyo, kana fikiro sidii uu u joojin lahaa laacibka West Ham ee Michail Antonio marka ay labada kooxood ku kulmaan Anfield Sabtid berri.Michail Antonio ayaa laf-dhabar u ah kooxda tababare David Moyes oo uu u dhaliyey goolashii ugu badnaa xili ciyaareedkan horyaalka Premier League isaga oo saxeexay 11 gool 13kii ciyaarood ee  ugu dambeeyey oo uu ku jiro goolkii quruxda badnaa ee uu ka hdaliyey Manchester City toddobaadkii hore.Si kastaba, David Moyes…

“Fursadihii Ugu Fiicnaa Ayaan Siiyey, Samir Ayaan U

Mikel Arteta ayaa weerar kale ku qaaday Mesut Ozil oo uu ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee tartamada Europa League iyo Premier League ee xili ciyaareedkan.32 jirka khadka dhexe ee ah laacibka ugu mushaharka badan Arsenal ayaa garoonka tababarka iyo gurigiisa ku qaata lacag xad-dhaaf ah iyadoo aanu ku jirin liiska xiddigaha Gunners u ciyaaraya fasal ciyaareedkan, waxaanay taasi ku timid go’aan uu Mikel Arteta kaga saaray safka  kooxdiisa.25ka ciyaartoy ee tartanka Premier League ee horraantii toddobaadkan loo gudbiyey…

Labada Shaxdood Ee Xooggan Ee Manchester United Kula Ciyaari

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doonta Arsenal galabnimada Axadda, taas oo ay isku diyaarintiisa bilaabeen guulihii ay Champions League iyo Europa League kasoo hooyeen kaddib.Manchester United ayaa guul raaxo leh kasoo gaadhay RB Leipzig oo ay kusoo karbaashtay 5-0 iyadoo uu saddexlay dhaliyey Marcus Rashford oo beddel kusoo galay, halka Arsenal ay durduro kusoo dhaaftay kooxda yar ee Dundalk oo ay 3-0 kusoo garaacday.Marcus Rashford ayaa hoggaamin doona safka Manchester United marka ay Gunners…

Cristiano Ronaldo Oo Muddo Ku Maqnaa Korona Fayras Oo

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa jawaabtii ugu dambaysay oo ah tii afraad ka helay shaybaadhka lagu hubinayo caafimaadkiisa kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras.Ronaldo ayaa laga joojiyey inuu Juventus u ciyaaro kulankii Barcelona ee Arbacadii ee 2-0 lagu garaacay kooxdiisa, markaas oo baadhitaan lagu sameeyey lagu xaqiijiyey in aanu wali taam ka noqonin xanuunka  oo hayey muddo laba toddobaad ah.Sida ay Juventus xaqiijisay, shaybaadh kale oo Jimcihii maanta laga qaaday Ronaldo ayaa waxa uu soo…

Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaaryahanadda Kooxdiisa Ee

Mariano Diaz ayaa muddo dheer kaddib kusoo laabtay ciyaartoyda Real Madrid, waxaana lagu soo daray liiska xiddigaha uu Zidane u xushay kulanka Sabtida ee Huesca.Weeraryahankan ayay u tahay markii ugu horreysay ee Zidane uu kusoo daro kooxdiisa xili ciyaareedkan, waxaase uu tababaraha reer France awoodi waayey inuu u yeedho xiddigaha dhaawaca ah sida Martin Odegaard, Alvaro Odriozola, Dani Carvajal iyo Nacho Fernandes.Labada ciyaartoy ee Odegaard iyo Odriozola ayaa la filayaa inay taam noqon doonaan marka laga soo laabto…

Gabriel Magalhaes Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ka Helay Premier

Difaaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo horyaalka Premier League ka dheela oo uu aad ula dhacsanaa qaab ciyaareedkooda iyo la kulankooda, waxaanu ku daray weeraryahan ay ku adkaatay inuu xakameeyo intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray.Gabriel Magalhaes oo ay da’diisu tahay 22 jir ayay Arsenal £27 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Lille xagaagan, waxaana uu boos joogto ah ku yeeshay Gunners.Isla markii uu soo gaadhay London, Arteta ayaa kusoo tuuray kulankii Arsenal ay 3-0 ku garaacday…

Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Man United & Arsenal Oo La Soo

Manchester United ayaa wajaheysa Arsenal maalinta Axada iyagoo dib u soo nooleynaya xafiiltankoodii hore xilli ay ku tartamayaan ka mid ahaanshaha afarta kaalimood ee ugu sareysa.Labada kooxood ayaa soo dhisaya kooxo da’ yar iyagoo rajeynaya inay maalin uun u tartami doonaan hanashada horyaalka Premier League.Kulanka Axada oo dhacaya 7:30pm Saacada Geeska Afrika ayaa ka tarjumi doona horumar ay ilaa iyo haatan sameeyeen labada kooxood.Jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska ayaa shax isku dhaf ah ka sameysay…

Pep Guardiola Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Haddii Uu Ku

Pep Guardiola ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay Manchester City islamarkaana uu rajeynayo inuu sii dheereysto sii joogitaankiisa kooxda xilli lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Barcelona.Musharaxa madaxweynaha Barcelona Victor Font ayaa sheegay isbuucaan inuu doonayo inuu Guardiola ku soo celiyo Camp Nou haddii uu ku guuleysto inuu bedelo Josep Maria Bartomeu kaasoo iscasilay Talaadadii ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin.Guardiola ayaa seddex koob oo La Liga ah iyo labo koob oo Champions League ah la…

Muxuu Yahay Surwaalka Xiddigaha K/Cagta Ka Caawinaya Soo

Hababka soo kabsashada ee ciyaartoyda isboortiga kala duwan ayaa horumar badan laga sameynayaa iyadoo haatan si weyn loo isticmaalayo surwaal hawo cadaadis leh uu ka buuxo oo teknooloojiyad loo adeegsanayo.Daafaca Chelsea Thiago SIlva ayaa dhawaan isku soo sawiray isagoo istcimaalaya aaladaan oo gaartay xiddigaha kubada cagta ilaa feeryahanada.Surwaalkaan loo isticmaalo soo kabsashada waxaa caan ka dhigay Ryan Brunt oo isagoo da’ yar oo ka tirsan kooxda Stoke City uu dhaawac ka soo gaaray jilibka, waxayna markaas da’diisa…

Zidane Oo Su’aashii La Sugayay Laga Weydiiyay Hadalkii Uu

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa kahor kulanka ay kooxdiisu toddobaadkan soo dhawaynayso dhigeeda Huesca ka hadlay warkii toddobaadkan warbaahinta haystay ee ahaa in weeraryahan Karim Benzema oo quudhsaday Vinicius Jr.Sida ay qabteen kaamerooyinka gudaha garoonku, Benzema ayaa wakhtigii nasashada ee kulankii Champions League ee Borussia Monchengladbach u sheegay daafaca bidix ee kooxda ee Ferland Mendy inuusan baas u dhiibin Vinicius.Karim ayaa daafaca bidix ee ay France kasoo wada jeedaan u sheegay in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More