Ronaldo Nazario Oo Magacaabay Saxeexa Uu Ku Riyoodo Iyo

Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa shaaciyey hal ciyaartoy oo uu ku riyoodo saxeexiisa, isla markaana aanu ka laba-labeeyeen oo uu si degdeg ah ugu dhaqaaqi lahaa sidii uu ula soo wareegi lahaa iyo afar ciyaartoy oo ah kuwa ugu wanaagsanaa ee abid dunida soo maray.

Ronaldo Nazario oo ay da’diisu tahay 44 jir, waxa uu laba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, laakiin waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xiddigihii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray kubadda cagta, gaar ahaan afka hore ee weerarka.

Waqtigiisii ugu fiicnaa waxa uu kusoo qaatay kooxaha Ajax, Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid, waxaana dhamaadkii xirfaddiisa uu sii maray AC Milan oo uu waqti kooban kusii qaatay.

Laakiin xulka qaranka Brazil ayuu ahaa mid si gaar ah iskugu muujin jiray marka uu xidho shaadhkiisa, waxaanu la qaaday koobkii Adduunka ee 2002, halka uu kaydka ku jiray sannadkii 1994kii, hase yeeshee 1998kii ayuu Faransiiska oo Koobka Adduunka marti geliyey uu Zidane ku niyad jabiyey laba gool oo uu madax kaga dhaliyey.

Mulkiilahan kooxda Real Valladolid ee Zinedine Zidane, ayaa la weydiiyey inuu sheego afarta ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxaanu yidhi: “Aniga fikirkayga, haddii aan kala saaro ciyaartoydii ugu fiicnayd taariikhda, afartooda magac waxay yihiin Pele, Maradona, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo. Iyaga ayaa ah afarta ugu sarraysa taariikhda kubadda cagta.”

Ronaldo Nazario ayaa wax akale oo la weydiiyey ciyaartoyga uu saxeexiisa ku riyoodo ee aanu sugeen haddii uu fursad u helayo, waxaanu yidhi: “Waxaan lasoo saxeexan lahaa Kylian Mbappe. Waa ciyaartoyga inta ugu badan aniga naf ahaantayda isoo xasuusiya, markii aan ciyaari jiray.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More