Danny Murphy Oo Sharraxay Sababta Aany Bruno Fernandes Iyo

Ole Gunnar Solskjaer ayaa looga digay inuu isku dayo inuu isku si u adeegsado labada ciyaartoy ee khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes iyo Pual Pogba.

Red Devils ayaa Sabtidii heshay guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan iyadoo guul ay daqiiqaddii 99aad ka gaadhay Brighton uga mahad celisay VAR oo ciyaarta oo 2-2 ku dhamaatay qasab ka dhigtay in dib loo bilaabo oo United la siiyo rikoodhe ay natiijada kaga dhigeen 3-2.

Danny Murphy oo ciyaarta daawanayay ayaa waxa uu sheegay in Manchester United ay dhibaatoon doonto haddii uu tababare Solskjaer isku dayo inuu wada ciyaarsiiyo Fernandes iyo Pogba, isla markaana ay furmi doonaan difaacooda oo wax kubbadaha ka joojiya ay waayi doonaan.

Manchester United oo laga dhaliyey shan gool labadii kulan ee ay ciyaartay ayuu Danny Murphy rumaysan yahay in sababtu tahay labadan laacib oo aan lahayn tayo ay difaaca ku caawin karayaan, waxaanu yidhi: “Ole Gunnar Solskjaer waxa u yaalla go’aan weyn sababtoo ah Manchester United waxay sii wadi doontaa inay noqoto hoyga goolasha haddii uu shaxdiisa kusoo wada bilaabo Fernandes iyo Pogba. Waa laba ciyaartoy oo abuurista kubadda heersare ku ah, balse midkoodna kuma fiicna difaacisteeda khadka dhexe.”

Danny Murphy waxa uu tilmaamay in aanay caajisnimo ka ahayn Fernandes iyo Pogba in ay kubadda usoo raaci waayaan sida difaacyahannada oo kale, laakiin ay sababtu tahay qaabka ciyaartoodu tahay, waxaanu yidhi: “Caajis kama aha Bruno ama Fernandez. Waxay ka tahay sida ciyaartoodu tahay oo ah in ay difaacista aanay ku wanaagsanayn. Ma garan karayaan in si degdeg ah oo ku habboon khatarta looga hor tago. Marka ay gartaan inay tahay inay dib u noqdaanna waa waqti dambe.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More