Real Madrid Oo Guushii Koowaad Ee Xili Ciyaareedka Ka Heshay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan waxay ka gaadhay Real Betis oo ay marti u ahayd kuna soo garaacday 3-2.

Los Blancos oo koobka difaacanaysa, ciyaartii horena barbarro goolal la’aan ah kusoo kala baxeen Sociedad ayaa guushan ay u horseedeen Vede Valverde iyo Sergio Ramos oo min hal gool u dhaliyey iyo midka saddexaad oo ay iska dhaliyeen difaaca Real Betis.

Labada gool ee ay Betis la timid ayaa waxa u dhaliyey Aissa Mandi iyo Willian Carvalho oo qaybtii hore min hal gool dhaliyey.

Real Madrid ayaa yeelatay afar dhibcood oo ay ka urursatay labadii ciyaarood ee ay dheeshay.

Shaxdii labada kooxood

REAL BETIS (4-2-3-1): Joel Robles; Emerson, Aissa Mandi, Marc Bartra, Alex Moreno; William Carvalho, Guido Rodriguez; Nabil Fekir, Joaquin, Sergio Canales; Antonio Sanabria.

Kaydka: Daniel Rebollo, Paul Akouokou, Martin Montoya, Aitor Ruibal, Borja Iglesias, Juanmi, Fran Delgado, Victor Ruiz, Cristian Tello, Sidnei, Loren Moron.

REAL MADRID (4-4-2): Thibaut Courtois; Daniel Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Ferland Mendy; Federico Valverde, Casemiro, Toni Kroos, Martin Odegaard; Karim Benzema, Luka Jovic.

Kaydka: Lucas Vazquez, Rodrygo, Diego Altube, Alvaro Odriozola, Luka Modric, Isco, Vincius Junior, Andriy Lunin, Borja Mayoral, Nacho.

Zinedine Zidane ayaa kusoo galay shax uu isbeddel badan ku sameeyey, waxaanu keenay Casemiro, Valverde iyo Jovic, isaga oo kaydka dhigay Modric, Vinicius iyo Rodrigyo, laakiin macallinka Real Betis ee Manuel Pellegrini oo ogsoonaa in saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Real Madrid ay wada ciyaareen aan laga badinin ayaa waxa uu jeenay Robles iyo Sanabria iyadoo uu kaydka dhigay Claudio Bravo iyo Iglesias.

Real Madrid ayaa daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta gool uu u dhaliyey weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo kubbad uu ka helay Mendy shabaqa ku hubsaday laakiin marka uu dhalinayayba waxa taagnaa calaanka oo sheegayay inuu OFFSIDE ku jiro.

Mendy ayaa sameeyey fursad kale daqiiqad kaddib goolka laga diiday, laakiin waxay Betis kaga jawaabtay kubbad uu madaxa ku qabtay Sanabria oo goolhaye Courtois ku qasbay inuu birta dul mariyo kubadda.

GOOOAAALLLLLL!! Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta daqiiqaddii 14aad, waxaana kubbad uu soo kasoo shaqeeyey Karim Benzema lugta geliyey Vede Valverde oo goolka koowaad u dhaliyey Real Madrid.

FURSAD WEYN!!! Real Madrid ayaa fursad weyn daqiiqaddii xigtay goolka, waxaana xerada ganaaxa dhexdeeda kubadda ka helay Sergio Ramos oo lugta bidix u adeegsaday inuu kubadda ku dhaafiyo goolhayaha oo kali ah oo ka horreeyey, laakiin kubadda ayaa waxyar dhinaca ka martay goolka.

Real Betis ayaa hoggaanka kula wareegtay laba gool oo aanu waqti badan u dhaxaynin oo ay u dhaliyeen William Carvalho iyo Willian Carvalho daqiiqadihii 35aad iyo 37aad, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 2-1.

Zinedine Zidane ayaa saaray Toni Kroos oo dhaawac soo gaadhay, waxaanu keenay Luka Modric iyo Isco oo yimid booska Odegaard, waxaanay labadan ciyaartoy dejiyeen khadka dhexe iyo culays ay saareen difaaca Real Betis.

Daqiiqaddii 48aad ayay Real Madrid heshay goolka barbarraha, waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo jabiyey Dani Carvajal isku qabtay Emerson oo isku dayayay inuu kubadda ka hor laago Karim Benzema oo lugtiisu kusoo socotay.

Real Betis ayaa laga saaray Emerson daqiiqaddii 67aad kaddib markii uu qalad ku galay weeraryahanka Real Madrid ee Luka Jovic oo kubadda kula sii socday goolkiisa, isla markaana bannaanka xerada ganaaxa uu ku riixay.

Rikoodhe!!! Real Madrid ayaa loo dhigay rikoodhe looga soo fiiriyey VAR dhawr daqiiqadood kaddib markii uu falku dhacay, waxaana muuqaalku muujiyey in kubbad uu xerada ganaaxa la galay Mayoral uu gacan ku qabtay taabtay Barta.

GOOAAALLLLLLLL!!! Real Betis 2-3 Real Madrid. Sergio Ramos ayaa gool u beddelay rikoodhaha loo dhigay, waxaana uu mar kale ku celiyey nooca uu ku caan baxay ee Panenka oo uu badhtamaha toogtay, halka uu goolhaye Robles isku tuuray dhinaciisa midig.

Los Blancos ayaa mar klae ku dhowaatay inay gool kale la timaaddo kaddib markii uu Isco kubbad laga keenay dhinaca midig isku tuuray, isla markaana uu goolhaye Robles oo dhulka isku tuuray ka qabtay.

Karim Benzema ayaa ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey waxa uu helay fursad uu iskugu dari lahaa liiska dhaliyeyaasha kulanka, laakiin nasiib-darradiisa ayaa uu mar kale la waayey kubbad uu goolhayaha oo kalidii ah ku toogtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More