Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

RASMI: Toni Kroos Oo Ku Dhaawacmay Xulka Qaranka

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa dib ugu safray dalka Spain isaga oo iskaga tagay xerada tababarka ee xulkiisa Germany kaddib markii uu gaadhay dhaawac muruqa ahi iyadoo baadhitaano maanta oo Arbaca ah lagaga qaadayo xerada tababarka ee Valdebebas. Xiddiga Real Madrid ayaa shalay u safray magaalada Dusseldorf si uu halkaas tababarka ugula biiro xiddigaha ay xulka wada metelaan balse haatan ayuu soo kabashadiisa ku qaadan doonaa magaalada Madrid. Xidhiidhka kubadda cagta Germany ayaa soo saaray…

DEG DEG: Xiddig Ku Dhex Suuxay Tababarka Atletico

Weeraryahan Moussa Dembele ayaa xaaladiisa si dhow loo eegayaa ka dib markii uu ku dhex suuxay tababarka Atletico Madrid maanta.Xiddiga Faransiiska oo amaah ku jooga Atletico Madrid isagoo ka soo tagay Lyon ayaa suuxay xilli uu jimicsi ku sameynayay garoonka tababarka.Daqiiqado uu suuxsanaa ka dib ayuu si iskiis ah u soo kacay isagoo awood u yeeshay inuu istaago.Xaalada weeraryahanka ayaa haatan si dhow loola socdaa.Waxaa baaritaano ku sameynayaa dhakhaatiirta Atletico Madrid si loo ogaado waxa sababaya inuu garoonka ku dhex…

Gabar Moodal Ah Oo Kashiftay In Lacag Lagu Siiyay

Gabara moodal ah oo u dhalatay dalka Serbia laguna magacaabo Natlija Scekic ayaa kashiftay in qof aysan magacaabin uu lacag ku siiyay inau burburiso qoyska iyo sumcada xiddiga tenniska Novak Djokovic. Qorshaha wuxuu ahaa inay isku daydo inay ku ciyaarto sumcada xiddiga ugu fiican ciyaarta Tennis-ka ee ku jira kaalinta koowaad islamarkaana ay burburiso guurkiisa. Scekic ayaa u sheegtay majalada Svet&Scandal in nin aysan magacaabin uu u soo bandhigay 60 kun euro si ay u la saaxiibto Djokovic islamarkaana ay muuqaal…

Rikoodhka Xiddigaha Ugu Safashada Badan Kooxaha

Lionel Messi ayaa jabiyay rikoodhkii Xavi Hernandez isagoo noqday xiddiga ugu safashada badan taariikhda Barcelona isagoo ciyaaray kulankiisii 768aad. Waxay taasi ka dhigtay inuu rikoodhka safashada Barcelona kala wareego halyeeyga khadka dhexe Xavi Hernandes oo 767 kulan u saftay Barcelona. Laakiin Messi halkee ayuu soo galayaa xiddigaha kale ee heysta rikoodh-yada safashada ee kooxaha Yurub. Xiddiga reer Argentina wuxuu kaalinta afaraad ka soo galayaa rikoodhka xiddigaha ugu safashada badan kooxaha Yurub iyadoo ay…

Muxuu Philippe Coutinho Ka Doonay Dalka Qatar?

Xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Philippe Coutinho ayaa ku sugan Qatar halkaasoo uu tijaabo caafimaad oo la xiriirta dhaawaciisa jilibka ku sameynayo si u ogaado haddii uu garoomada ku soo noqon karo bisha danbe. Laacibka reer Brazil ayaa qaliin lagu sameeyay, waxaa la filayay inuu maqnaanayo muddo seddex bilood ah oo ku eg bilowga bisha April ee soo socota. Inkastoo waqtigaas loo qabtay hadana marka la eego waqtigii uu maqnaa iyo xaqiiqda ah inuu u baahan yahay tababar badan si uu u helo qaab ciyaareedkiisii hore, 28…

RASMI: Garoonka Ay Ka Dhaceyso Kulanka Real Madrid

Kulanka lugta hore ee wareega 8da Champions League waxay Real Madrid ku ciyaari doontaa garoonkeeda mana lagu dheeli doono garoon dhexdhexaad ah ka dib markii Spain ay go’aan ku gaartay inay qafiifiso xayiraadihii Korona Fayras ee ay dalkeeda ku rogtay. Spain ayaa xayitaad saartay duulimaadyada ka imaanaya Britian bishii December madaama nooc cusub oo Korona Fayras ah uu ka dilaacay Ingariiska taasoo saameyn ku yeelatay kulamadii Champions League iyo Europa League ee Chelsea iyo Manchester United. Sharcigii mamnuucayay…

KABTA DAHABKA – Tartanka Kabta Dahabka Yurub Oo

Weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski ayaa dhaliyay seddex gool kale kulankii ay Bayern Munich kaga badisay Stuttgart taasoo ka dhigeysa wadarta goolashiisa horyaalka Bundesliga 35 gool xilli ciyaareedkan. Tiradaan ayaa ka dhigeysa in mid si raaxo leh u hogaaminayo gooldhalinta horyaalka Jarmalka halka uu sidoo kale 70 dhibcood ku hogaaminayo tartanka Kabta Dahabka Yurub ee Golden Shoe. Waxaa ku daba dhegan xiddigaha heystay kubada cagta sannadihii la soo dhaafay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaasoo…

Rio Ferdinand Oo Kashifay Farqiga Weyn Ee

Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Frank Lampard uu dayacay xiddigihii waa weynaa ee Chelsea halka Thomas Tuchel uu dib u dhisay xiriirka ciyaartoyda khibrada leh taasoo keentay in Chelsea ay sarre u kac aad u weyn ah sameyso. Tuchel ayaa la shaqaaleysiiyay markii la ceyriyay Lampard bishii Janaayo isagoo aan weli laga badinin tan iyo markii uu yimid London, wuxuuna doonayaa inuu kooxda ku soo celiyo afarta kaalimood ee ugu sareysa xilli ciyaareedkan. Wuxuu u soo saaray semi-finalka FA Cup halka ay sidoo kale soo gaareen…

RASMI: Da’ Yarka Ugu Fiican Dunida Oo La Caleemo

Weeraryahanka Barcelona Ansu Fati ayaa loo caleemo saaray inuu yahay da’ yarka ugu fiican dunida isagoo haatan ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah oo uu muddo dheer la maqnaa. 18 jirkaan oo rajeynaya inuu garoomada ku soo laabto xilli dhow ayaa maanta oo Talaado ah loo caleemo saaray da’yarka ugu fiican dunida. Ciyaaryahanadda da’da yar waxaa loo arkaa kuwa dhashay sannadkii 2002 iyo wixii ka danbeeyay. Da’ yarkaan ayaa abaalmarinta ka qaaday xiddiga khadka dhexe ee Rennes Eduardo Camavinga iyo xiddiga Borussia…

Xiddig Man United U Dheelay Champions League Oo

18kii bishii Maarso sannadkii 2003, Lee Roche ayaa la ciyaarsiiyay kulankiisii ugu horeysay ee Champions League isagoo ka horyimid kooxda reer Spain ee Deportivo La Coruna markaasoo Man United 2-0 looga badiyay. Sannado ka dib wuxuu isaga tagay gabi ahaanba shaqada kubada cagta isagoo isku bedelay nin guryaha dhisa islamarkaana u tababaran inuu sameeyo tubooyinka suuliyada ama musqulaha. Roche oo haatan 40 sanno jir ah ayay Man United si xor ah isaga fasaxday labo bilood ka dib markii uu u dheelay Champions League.…