Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Mucjiso Afrika U Soo Baxday Oo Ka yaabsatey Kooxaha Premier

Weeraryahanka Southampton Danny Ings oo 28 sanno jir ah ayaa diirada u saaran Manchester City isagoo loo arko inuu yahay bedelka Sergio Aguero. (Sky Sports) Liverpool ayaa faa’idi doonta haddii Southampton ay iibiso Ings iyadoo Reds ay qaadan doonto boqolkiiba 20 lacagta lagu iibiyo xiddiga Ingariiska taasoo qeyb ka aheyd heshiiskii ay weeraryahankaan uga iibiyeen Southampton. (Mirror) Manchester United ayaa u isticmaali karta 23 jirka khadka dhexe Donny van de Beek heshiisyada ay dooneyso inay sameyso xagaagan. (90min)…

Gareth Bale Oo WarBuuxa Kasoo Saaray

Xiddiga garabka weerar ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Wales ee Gareth Bale oo qaab amaah ah kula jooga kooxda ree London ee Tottenham ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa dhaw iyo qorshaha uu doonayo inuu Madrid ugu laabto xilli ciyaareedka dambe. Kabtanka Wales ayaa xilli ciyaareedkan amaah ku qaadanaya Tottenham balse heshiiskiisa Real Madrid ayaa ah mid uu xilli ciyaareed kale ka hadhay kaas oo dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka 2021-22. Bale oo saxaafada la hadlayay kahor kulanka ay Belgium la ciyaarayaan ee…

Waa Kan Xiddiga U Waalanaya Inuu Suuqa Xagaaga Ku

Weeraryahanka kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa lagu soo warramayaa inay ka go’antahay inuu ku biiro kooxda Barcelona suuqa xagaaga balse haddiiba uu Camp Nou imanayo ayaa lagu go’aamin doonaa kulan ay yeelan doonaan madaxweynaha cusub ee Joan Laporta iyo tababare Ronald Koeman.Xiddiga heer caalami ee xulka Netherlans ayaa si cadaan ah saxaafada uga hor sheegay bishii November inuu doonayo ku biirista Barca kaddib markii heshiis uu kooxda ku tagayaa uu qabsoomi waayay xagaagii 2020.Sida lagu sheegay wargeyska Mundo Deportivo…

XOG: La Liga Oo Darajada GOAT Siiyay Lionel Messi

Bogga uu horyaalka ugu sarreeya Spain ee La Liga ku leeyahay barta Twitter-ka ayaa noqday mid dhinac ka safta marka ay noqoto hadal haynta dooda xiddiga ugu fiican abid kubadda cagta caalamka (GOAT – Graetest Of All Times) iyaga oo waliba soo raaciyay tobban rekoodh oo ay caddayn uga dhigayaan. Lionel Messi ayaa toddobaadkan rekoodh kale oo cajiib ah sameeyay isaga oo noqday xiddiga abid ugu safashada badan taariikhda kooxdiisa Barcelona oo uu ku dhaafay halyeey Xavi Hernandez. Horyaalka La Liga oo rekoodhkaas soo…

Waa Kuma Mashiinka Gooldhalinta Ee Ay Saxeexiisa

Afarta kooxood ee Premier League ee kala ah Manchester City, Manchester United, Arsenal iyo Liverpool ayay soo baxeen warar sheegaya inay dhammaantood doonayaan weeraryahanka Red Bull Salzburg ee Patson Daka.Xiddiga Zambian-ka ah ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareed wanaagsan oo uu lasoo qaatay kooxda ree Austria isaga oo 31 kulan kusoo dhaliyay 27 gool tartamada oo dhan oo ay kamid ahaayeen 20 gool oo uu kasoo dhaliyay 18 kulan oo horyaalka dalka ah.Daka ayaa sidoo kale kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedkan ee…

Jaahilnimo Mise Qalad? Weeraryahanka Xulka

Xulka qaranka Cameroon ayaa si fajaciso iyo layaab noqotay liiska qarankooda uga qayb galaya kulamada caalamiga ah ee bishan uga reebay weeraryahanka Bayern Munich ee Eric Choupo-Moting.Cameroon ayaa waayaysa Choupo-Moting oo ah kabtankeeda kulamada ay la ciyaarayaan Rwanda iyo Cape Verde ee ka tirsan isreeb-reebka loogu soo baxayo koobka qaramada Africa ee sanadka dambe qabsoomaya.Choupo-Moting ayaa kamid ahaa magacyada ugu horreeya ee lagu daro liiska xiddigaha uu xulanayo tababare Toni Conceicao balse markan ayuu uga…

“Kooxdaasi Markasta Qalbigayga Ayay Ku Jirtaa” –

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa magacaabay kooxda uu tababaraha u noqon karo mustaqbalka dhaw ee uusan meesha ka saarayn fursada uu ku maamuli karo waana kooxda ree France ee Paris Saint-Germain oo uu bilawgii waayihiisa ciyaaryahanimo kusoo bilawday.Arteta ayaa 53 kulan usoo ciyaaray Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkii 2001-02 isaga oo shan gool usoo dhaliyay kaddib markii ay Barcelona qaab amaah ah ugu dirtay caasimada France.Arteta oo la hadlayay muuq-baahiyaha beIN Sports ayaa sheegay sida uu u xasuusto…

Jamaahiirta Man United Oo Lavatory Sheegay Shuruuda

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Danny Murphy ayaa shaaca ka qaaday qaabka kaliya ee ay Manchester United shaqada tababarenimo ee kooxdeeda kaga caydhin karto tababare Ole Gunnar Solskjaer oo markale qarka u saaran inuu koob la’aan ku fashilmo.Man United ayay habeen hore wareega siddeeda ee FA Cup ku reebtay Leicester City oo ay marti u ahayd taas oo ka dhigan in Europe League uu yahay koobka kaliya ee ay u tartami karaan inta xilli ciyaareedka ka dhiman.Red Devils ayaa hadda 14 dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka…

Haaland Mise Mbappe? Luis Suarez Oo Si Buuxda U

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa kala doortay labada xiddig ee la filayo inay masraxyada ugu sarreeya kubadda cagta caalamka ku tartami doonaan mustaqbalka ee Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan iyo Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain qayb ka ah.Haaland iyo Mbappe ayaa loo saadaalinayaa inay tobbanka sano ee soo socda noqon doonaan xiddigaha ugu fiican caalamka kaddib qaabka cajiib ah ee ay ku bilawdeen waayahooda Dortmund iyo Paris.Tartan iyo xifaaltan kubaddeed oo dhex mara ayaa bedeli…

Juventus Oo Ka Tashatay Andrea Pirlo, SADDEXDA

Kooxda Juventus ayaa wakhti u qabatay tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Andrea Pirlo iyadoo sida ay saxaafadu sheegaysay dooratay saddex tababare oo ay u aragto kuwa ay ku bedeli karto haddii ay shaqada  kooxdeeda dhawaan ka caydhiso Pirlo.Sida uu sheegayo wargeyska Le Repubblica, Juventus ayaan haysan lacag ku filan oo ay kula saxeexan karto Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola mid ahaan isla markaana saddexda tababare ee Pirlo bedeli kara u dooratay Gian Piero Gasperini, Simone Inzaghi iyo Luciano Spalletti.Cadaadiska ayaa…