Waa maxay sababta ay Manchester United u badashay NIO
Ole Gunnar Solskjaer ayaa sagaal bedel ku sameeyay shaxdii shalay ee quarter-finalka Carabao Cup ee ay ka badiyeen Everton, Solskjær ayaana ku adkeysanaya inuu kalsooni ku qabo inay garaaci karaan kooxda isla markaana ay guuleysan karaan.
- Advertisement -
Manchester United ayaa gaartay semi-finalka Carabao Cup ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Everton iyagoo uga mahadcelinaya goolal soo daahay oo ay kala dhaliyeen Edinson Cavani iyo Martial.
Ole Gunnar Solskjær ayaa sagaal isbadal ku sameeyay shaxdiisii kulankii ay axadii la ciyaareen kooxda Leeds United, laakiin Carlo Ancelotti ayaa ka duwanaa taas wuxuuna la yimid shax adag wuxuuna badalay kaliya seddex ciyaaryahan horaantii isbuucaan.
Solskjaer ayaa yiri ka hor ciyaarta, “Waxaan u maleynayaa in kooxdeydu ay awood u yeelan doonto inay garaacdo Everton, xitaa haddii kooxaha ka soo horjeeda ay xoog badan yihiin. Kalsooni ayaad ku abuuri kartaa dhibaatooyin, waxaana rajeyneynaa inaan la tacaali doonno wixii ay la yimaadaan.”
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa u sheegay MUTV: “Waan ognahay awoodooda jir ahaaneed, kubada dhinaca, Calvert-Lewin, Richarlison, laakiin waxaan rajeyneynaa inaan heysano ciyaartoy si fiican u ciyaari kara.”
Axel Tuanzebe, oo in muddo ah garoomada ka maqnaa, ayaa ciyaarta bilaabay, markii ugu dambaysay ee uu ciyaaro kulan ay la ciyaarayeen RB Leipzig kulan ka tirsan Champions League isaga oo dhaawac qaba, Solskjær ayaa yidhi: “Kadib kulankii martida ahaa ee Leipzig wuu dhaawacmay, qaab ciyaareed kale ayuu ku jiraa, waxaana rajaynayaa in wuu is muujiyaa. “