Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xul Ka Qayb-gelayay Isreeb-Reebka Koobka Adduunka

Xidhiidhka kubadda cagta Belize ayaa ‘wax laga yaqyaqsoodo iyo arrin murugo leh’ ku tilmaamay afduub lagula kacay xulka qarankooda oo ku socday hotel ku yaalla waddanka Haiti oo ay markaas uun duullimaad ku yimaaddeen, laakiin ay budhcad hubaysan dhexda u gashay oo ay dhamaantood afduubtay.Arrintan ayaa dhacday Isniintii waxyar kaddib markii uu xulka qaranka Belize uu kasoo degay madaarka, isla markaana ay waddada halbowlaha soo qaadeen iyagoo saaran bas u waday hotelka ay degayaan ka hor inta aanay Haiti la ciyaarin kulan…

Harry Kane Oo Kusii Jeeda Spain, Man United Oo

Suuqa iibka ciyaartoyda ayaa furmi doona bisha June ee sannadka, waxaana markaas ay kooxuhu bilaabi doonaan inay sameeyaan saxeexyo ay isku xoojiyaan, kuwaas oo la filayo inay ku jiri doonaan xiddigo waaweyn oo si bilaash ah ugu kala wareegi doona naadiyada waaweyn.Laakiin inta ka horreysa ayay naadiyada Yurub ku hawlan yihiin inay xod-xodasho iyo wada-hadallo lasii galaan ciyaartoyda ay doonayaan inay lasoo saxeexdaan, si ay ugu qanciyaan in ay xagaaga kusoo biiraan.Wargeysyada waaweyn ee Ingiriiska oo wax ka qoray…

Iska Illow Toni Kroos, Xiddig Kale Oo Laf-dhabar

Real Madrid ayaa lagu wargeliyey laba dhaawac hal maalin gudaheed, waxaana iyagoo madaxu ka xanuunayo xogta muujinaysa in Toni Kroos uu ku dhaawacmay xulka qaranka dalkiisa oo uu dib ugu soo laabanayo magaalada Madrid, ay haddana ogaadeen in mid ka mid ah laacibiintii isbeddelka ku sameeyey kooxda bilihii ugu dambeeyey uu isaguna dhaawac soo gaadhay.Xiddiga khadka dhexe ee Fede Valverde oo ka baaqday ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii xidhiidhka kubadda cagta Latin America uu joojiyey kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka…

YAAB ADUUN: Diogo Jota Oo Jawaab Yaab Leh Bixiyay

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa dunida kaga yaabsaday jawaabta su’aal u muuqatay mid jees-jees ah oo ay weydiiyeen xilli uu barnaamij toos ah ku jiray isaga oo Game ciyaarayay.Su’aasha ayaa ahayd inuu sheego midka wanaagsan kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo ay dad badani u arkaan daafaca ugu fiican dunida iyo da’yarka daafaca dhexe ee Liverpool xilli ciyaareedkan isku muujinaya ee Nat Phillips.Phillips ayaa xilli ciyaareedkan xubin muhiim ah ka noqday shaxda tababare Jurgen Klopp kaddib dhaawacyada…

“Cristiano Ronaldo Kaliya Waxa Uu Ka Fikiraa

Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ee Antonio Cassano ayaa aaminsan in xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu yahay mid kaliya ka fikira rekoodhadiisa gaarka ah halkii uu muhiimad guud uga keeni lahaa kooxda oo dhan.Dhawaan ayay ahayd markii Ronaldo iyo kooxdiisu ay la kulmeen qalbi jab kale kaddib markii ay FC Porto ka reebtay Champions League, Ronaldo ayaa aad loogu eedeeyay inuu qalad ku lahaa laadkii xorta ahaa ee sababta u noqday in kooxdiisu hadho.Haatan Cassano Oo Bobo TV waraysi siiyay ayaa ku…

XASAASI: Mustaqbalka Sergio Ramos, Qorshaha

Sida uu sheegayo wargeyska kasoo baxa magaalada Madrid ee Marca, kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa u muuqda mid dhammaadka xilli ciyaareedkan soo af-meeri doona 16 sano oo uu kusoo qaatay kooxdaas isla markaana qaab bilaash ah kaga tagi doona.Xiddiga ree Spain oo hadda ku maqan kulamada caalamiga ah ayaa Salaasadii shalay galay 100-ka maalmood ee ugu dambeeya heshiiskiisa Real Madrid iyadoo wali wadahadalada heshiis kordhintiisu ay yihiin kuwo war cad laga haynin.Marca ayaa sheegaya in Ramos uusan madaxweynaha…

“Miyaad Heshiis La Gaartey Barcelona?” – Xiddiga

Khadka dhexe ee xulka qaranka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa ka hadlay wararkii dhawaan soo baxay ee sheegayay inuu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona isla markaana uu heshiiska xorta ah kaga baxayo Anfield suuqa xagaaga.Xiddiga Dutch-ka ah ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay heshiis uu ugu wareegayo Barcelona oo uu dib ugula midoobayo tababarihiisii hore ee xulka ee Ronald Koeman.Haatan Gini Wijnaldum oo la hadlay muuq-baahiyaha xulka qaranka ee NOS ayaa sheegay inuusan gabi…

WARBIXIN: Tuchel Oo Sii Wada Qorshaha Chelsea Ee

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa u muuqda mid dejiyay qorshaha kooxdiisa ee suuqa xagaaga sanadkan iyadoo hadda ay saxaafadu hadal hayso liis ka kooban afar xiddig oo daafacyo ah oo uu mid ahaan lasoo wareegi karo.Chelsea ayaa ugu horreynba la rajaynayaa inay qayb ka noqon doonto kooxaha doonaya saxeexa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo ay inay la wareegaan doonayaan inta badan kooxaha Yurub ugu waaweyni.Laakiin sidoo kale Chelsea ayaa doonaysa inay saxeexa daafac isha ku hayso iyadoo ay…

Chelsea”Qas Ayaa Ka Jiray Dhinaca Garoonka, Quraarado

Chelsea"Qas Ayaa Ka Jiray Dhinaca Garoonka, Quraarado. Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan fursad fiican u haysata inay markeedii labaad ku guuleysato tartanka Champions League, tababare Thomas Tuchel ayaa usoo saaray wareega siddeed dhammaadka oo ay FC Porto kula ciyaari doonaan. Chelsea ayaa dareemi karta inay horeba laba Champions League ugu soo guuleysatay, xilli ciyaareedkii, sanadkii 2009 ayay ahayd markii ay Barcelona kusoo dhaweeyeen Stamford Bridge iyaga oo og in guul ay ugu soo bixi doonaan Final-ka tartankaas.…

Waatan Kooxda Kaliya Ee Uu Cristiano Ronaldo Uga

Hoggaamiyaha weerarka ee kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayay soo baxeen warar sheegaya in kooxdiisii hore ee Real Madrid ay tahay mida kaliya ee uu uga tagi karo Juve suuqa xagaaga ee sanadkan haddiiba looga waco.Xilli ciyaareedkan ayuu Ronaldo Juventus 34 kulan oo uu usoo ciyaaray tartamada oo dhan usoo dhaliyay 30 gool taas oo caddayn ugu filan sida uu wali u yahay mashiin dhinaca goolasha ah.Xilli ciyaareedkii hore CR7 ayaa 37 gool Juve ugu soo saxeexat 46 kulan oo uu u ciyaaray halka midkii kasii horreeyay uu 28…