WAR DEG DEG AH: Man United vs Man City – Isku Aadka Semi Finalka

Isku aadka wareega 8-dhamaadka Carabao Cup ayaa goordhaw la sameeyay kulamo xiiso leh.

Kooxaha xafiiltanka kala dhaxeeyo ee Manchester United iyo Manchester City ayaa isugu soo haray semi-finalka koobka Carabao Cup.

United ayaa garaacday Everton caawa halka City ay garaacday Arsenal xalay, labada koox ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan Old Trafford bisha Janaayo ee sannadka soo socda.

Semi-finalka labaad wuxuu dhexmarayaa Tottenham oo caawa garaacday Stoke City iyo Brentford oo xalay garaacday Newcastle.

Semi-finalka Carabao Cup waa laba kulan oo Derbi ah, midkii koowaad ee Manchester Derby iyo mid labaad oo London Derby ah:

Ciyaarta Manchester Derby ayaa ka dhici doonta Old Trafford 4-ta bisha Janaayo, oo ah hal lug.

Semi-finalka Carabao Cup:

Man United vs Man City

Tottenham vs Brentford.

Semi-finalka waxaa la ciyaari doonaa bisha Janaayo, halka finalka oo markii hore loo qorsheeyay dhamaadka bisha Febraayo, dib loo dhigay illaa dhamaadka bisha Abriil iyadoo la rajeynayo in taageerayaasha loo oggolaan doono Wembley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More