WAR DEG DEG AH: Mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub

Dhowr warbaahin waaweyn oo Yurub iyo kubbadda cagta ah ayaa werisay in Paris Saint-Germain ay shaqada ka ceyrisay tababarihii reer Jarmal Thoma Tuchel.

Paris Saint-Germain ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee Ligue 1 waxaana ay ku bilaabatay xilli ciyaareed isku dhaf ah kuwo fiican iyo kuwo xun.

Waxaa jiray in muddo ah warar xan ah oo ku saabsan mustaqbalka Tuchel hadana Sky Sky, Bild iyo RMC Sport ayaa xaqiijiyay in PSG ay shaqada ka ceyrisay German.

Talaabada PSG ayaa lafilayaa inay lama filaan ku noqon doonto ciyaartoyda PSG madaama Tuchel uu taageere weyn u ahaa qolka labiska sida Ancelotti.

Xil ka qaadistiisa ayaa timid markii PSG xalay 4-0 ku garaacday Strasbourg.

Tababarihii hore ee Tottenham Mauricio Pochettino ayaa si xoogan loola xiriirinayaa inuu ku laabanayo kooxdiisii ​​hore, inkastoo tababaraha reer Argentina lagu xamanayay inuu doonayo Ole Gunnar Solskjaer inuu bedelo Manchester United.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More