Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Kulanka Xulka England Ee Isreebreebka Koobka

Kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee Axada dhexmari lahaa xulalka England iyo Albania ayaa halis ugu jira in la kansalo madaama dalka martida loo yahay uusan heysan boliis ku filan inay sugaan amaanka sida ay sheegeen xiriirka kubada cagta Albania.Xulka England ayaa ku balansan inay Axada booqdaan xulka Albania kulan qeyb ka ah Group I ee isreebreebka Koobka Adduunka ee sannadka danbe ka dhacaya Qatar.Si kastaba, warbixin ay soo saareen xiriirka kubada cagta Albania ayaa lagu sheegay inaysan balanqaadi karin amaanka…

DEG DEG: Dal Tirada Dadkiisa Ay Ka Yar Yihiin

Jasiirada aadka u yar ee Comoros Islands ayaa u soo baxday Koobka Qaramada Afrika markii ugu horeysay abid ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah maanta ku qabteen xulka Togo, iyagoo sii wata rikoodhkooda guuldarro la’aanta.Natiijadaan ayaa keentay in Comoros ay sagaal dhibcood ka heysato shan kulan ay ciyaareen taasoo u xaqiijineysa inay ku dhameysan doonaan labada kaalimood ee ugu sareysa Group G.Waxay ka sarre mareen xulka Masar kuwaasoo leh sideed dhicbood kuwaasoo caawa magaalada Nairobi kula ciyaaraya xulka…

Tababare Ku Xigeenka Liverpool Oo Tilmaamay

Caawiyaha Liverpool Pep Lijnders ayaa hoosta ka xariiqay in xilli ciyaareedkooda uu burburay ka dib markii uu Fabinho ka baxay khadka dhexe oo loo wareejiyay booska daafaca dhexe oo looga maarmi waayay.Xiddiga reer Brazil ayaa xaalad degdeg ah darteed waxaa loo wareejiyay booska daafaca dhexe markii uu Virgil van Dijk dhaawacmay bishii October ee sannadkii la soo dhaagay.Kuma uusan soo laabanin booskiisa caadiga ah ee khadka dhexe ilaa iyo kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ay ka badiyeen RB Leipzig…

RASMI: Taariikhda Uu Bilaabanayo Xilli Ciyaareedka

Xilli ciyaareedka soo socda ee horyaalka Premier League ee 2021/22 ayaa bilaaban doona 14ka bisha Agoosto iyagoo la soo gabagabeyn doono 22ka bisha May 2022, sida ay ku dhawaaqeen maamulka horyaalka.Ka dib Isbedelkii ku dhacay horyaalka xilli ciyaareedkan 2020-21 sababo la xiriira Korona Fayras maamulka horyaalka ayaa sheegay in dib loogu laaban doono waqtigii hore ee uu bilaaban jiray xilli ciyaareedka oo ah isbuuca labaad ee bisha Agoosto.Xilli ciyaareedka waxaa la soo gabagabeyn doonaa 22ka bisha May 2022 iyadoo 10 kulan…

TOP 10: Tobanka Xiddig Khadka Dhexe Ee Abid Ugu

Halyeeyga Barcelona Andres Iniesta ayaa loo magacaabay xiddigii khadka dhexe ee ugu fiicnaa abid kubada cagta isagoo kaalinta koowaad ka galay halyeeyga Jarmalka Lothar Matthaus iyo saaxiibkiisii Barcelona Xavi Hernandes.36 jirka khadka dhexe ee reer Spain ayaa inta badan waayihiisa ciyaareed wuxuu ku qaatay Camp Nou isagoo isfaham weyn la sameystay Xavi.Iniesta oo haatan kabtan u ah kooxda reer Japan ee Vissel Kobe ayaa kor u qaaday sagaal koob oo La Liga ah, afar Champions League, lix Copa del Rey iyo lix Spanisha Super…

Ciyaaryahanadda Norway Oo Weerar Ku Qaaday Dalka Qatar

Ciyaaryahanadda Norway ayaa xirtay funaanado ay ku qoran yihiin “Xuquuqda aadanaha garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa” ak hor kulankooda isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaareen xulka Gibraltar iyagoo taageero u muujiyay shaqaalaha muhaajiriinta ee dalka Qatar.Kabtan Martin Odegaard ayaa sheegay ciyaarta ka hor in ciyaartoyda ay qorsheynayeen inay soo bandhigaan dareenkooda ku aadan tacadiyada loo geysto shaqaalaha ajaaniibta ah ee dalka Qatar ku nool.Ciyaaryahanadda ayaa sidoo kale xirtay funaanado ay ku qoray yihiin…

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay dib u la saxiixato weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka Uruguay Luis Suarez oo 34 sanno jir ah. (Fichajes)Weeraryahankii hore ee Atletico Madrid Diego Costa oo 32 sanno jir ah ayaa u dheeli doona Benfica xilli ciyaareedka danbe ka dib markii uu heshiis la gaaray kooxda reer Portugal. (Mundo Deportivo)Madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon ayaa shaki geliyay haddii ay kooxda dhaqaale u heysato inay la soo wareegto xagaagan weeraryahanka Tottenham Harry Kane. (talkSPORT)Real Madrid…

Ii Keena!! – Cristiano Ronaldo Oo Magaca Benzema

Weeraryahanka hoggaanka u ah kooxda Juventus ee Cristiao Ronaldo ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo la yeelanayo madaxda sarre ee kooxdiisa isla markaana uu wato hal codsi oo muhiim ah.Ronaldo ayaan doonayn inuu meesha ka saaro suurogalnimada uu xagaaga kaga tagayo Juventus isaga oo ku laaban kara mid ahaan kooxihiisii hore ee Real Madrid iyo Man United amaba Paris Saint-Germain.Juventus ayaa la fahamsan yahay inay doonayso inay sii haysato hantideeda ugu qaalisan balse waxa macquul ah inay aqbasho dalab qiimaha saxda ah…

Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexanaysa

Kooxda Manchester United ayay soo baxeen warar sheegaya inay heshiis cusub ka saxeexanayso tababare Ole Gunnar Solskjaer iyadoo waliba loo samaynayo mushahar kordhin fiican taas oo muujinaysa sida ay wali maamulka kooxdaasi taageerada ula daba taagan yihiin.Man United ayaa wareega siddeed dhammaadka hadda u joogta tartanka Europa League waxaana loo arkaa kooxda ugu cad cad ku guuleysigiisa kaddib markii ay kaga soo gudbeen AC Milan wareegii 16-ka.Haatan wargeyska The Mirror oo warbixin cusub ka qoray mustaqbalka Ole ee Old…

GO’AAN: Real Madrid Oo Go’aan Cad Ka Qaadatay

Kabtanka xulka qaranka Norway ee Martin Odegaard ayaa kamid ah xiddigaha muddooyinkan ugu dambeeyay inta ugu badan laga hadlayay mustaqbalkooda waxaana haatan warkale kasoo baxay halka uu ku dambaynayo xilli ciyaareedka. Martin ayaa ahaa mid amaan badan loogu qubeeyay tan iyo markii uu Arsenal u wareegay iyadoo bandhigiisii kulankii ugu dambeeyay ee ay bar-bardhaca 3-3 ah lasoo galeen West Ham United uu ahaa mid cajiib ah. Laakiin sida uu hadda sheegayo wargeyska Marca, rajadii Arsenal ee ahayd inay xilli ciyaareedka…