Xogta Daafaca Real Madrid ay ku badaleyso Sergio
Iyadoo maalmo kooban ay ka harsantahay suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, Real Madrid ayaa ka cabsi qabta inay weydo kabtankooda hadii heshiis kordhin la gaari waayo ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkaan.
Sergio Ramos oo 34 ayay Real Madrid ku talo jirtaa inay diyaarsato beddelkiisa xataa haddii uu qandaraaska kordhiyo oo uu sii joogo muddo kale, sababtoo ah, waxay xaqiiqadu tahay in wax ka badan laba sannadood aanay ku xisaabtami doonin inuu garoomada kusii jiri doono.
Tababare Zinedine Zidane wuxuu u arkaa Ramos laacib aan laga maarmi karin hadda, laakiin mustaqbalka dhow waxay u baahnaan doonaan inay beddelaan.
Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa daaha ka qaadey afar musharax oo bedelaya Sergio Ramos:
Pau Torres Daafaca Villarreal, oo laba jeer uciyaaray xulkiisa Spain tartanka UEFA Nations League, waxaay isku boos ka ciyaaran Ramos, 23 jirkaan wuxuu leeyahay tayo badan inkasta oo uu ku ciyaarayo lugta bidix, shaki kuma jiro inuu wax fiican qaban karo haddii uu seddex daafac oo kale. garbihiisa taagan yihiin uu helo.
Sanadkii 2019, Villarreal waxay kordhisay qandaraaska ilaa 2024, laakiin waxay noqon kartaa oo kaliya in lagu burbiriyo 60$ milyan
David Alaba Wuu imaan karaa Real Madrid kahor bixitaanka Ramos wuxuuna xor u yahay inuu katago Bayern Munich dhamaadka xiliciyaareed kan kadib markii uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo oo ay bilo ka harsan yihiin.
28 jirkaan ayaa ka ciyaaray khadka dhexe xilli ciyaareedkii hore, inkastoo uu hore u ahaa qadka dhexe ee daafaca, laakiin faa’iidada kale ayaa ah inuu ka ciyaari karo boos kasta oo daafaca ama khadka dhexe ah.
Waxay kula soo wareegi karaan si xor ah oo ay ugu biirayaan Real Madrid, iyadoo qandaraas hordhac ah la saxiixi doono bisha Janaayo.
Kounde, oo ah daafaca Sevilla, ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester City intii lagu jiray xagaagii, laakiin wuxuu la joogay Sevilla oo diiday inuu fasaxo.
22 jirkaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay bedelka ugu macquulsan ee Sergio Ramos.
Eder Militao Real Madrid ayaa 50 milyan ka soo bixisay isaga oo ka yimid Porto sanadkii 2019, laakiin ilaa haatan isagu farsamo ahaan ama xirfad ahaan uma qalmin inuu khadka dhexe ka ciyaaro Ramos ama Varane.
22 jirkaan reer Brazil ayaa inta badan waqtigiisa ku qaatay kursiga keydka ee Nacho Fernandez.