Bruno Fernandes: Ma faraxsani
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Bruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday wax aanu ku faraxsanayn markii uu ku soo biiray kooxda Man United bishii January ee sanadkii hore.
Manchester United ayaa martigelin doonta maanta kooxda Liecester City, haddii ay guuleysatana waxay awood u yeelan doonaan inay fadhiistaan kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka, iyagoo afar dhibcood ka hooseeya kooxda hoggaamineysa ee Liverpool oo Axadda ciyaareysa.
Red Devils ayaa horey looga reebay Champions League, laakiin waxay ku jiraan semi-finalka Carabao Cup, iyo sidoo kale FA Cup iyo Europa League.
Fernandes oo saameyn weyn ku yeeshay Manchester United tan iyo markii uu ku soo biiray Sporting Lisbon ayaa muujiyay inuusan wali ku faraxsaneyn Old Trafford maadama uusan wax koob ah qaadin wuxuuna carabka ku adkeeyay inuu doonayo inuu koobab ku guuleysto xilli ciyaareedkan.
Khudbad uu siiyay BT Sports ayuu ku tilmaamay in sanadkii dhamaaday ee 2020 ay meel fog soo martay riyadiisiina ay u rumowday, laakiin isagu uu waayey koobab. Aad baan uga helay, ayuu yidhi. Farxad ayey ii aheyd inaan u ciyaaro mid ka mid ah kooxaha adduunka ugu fiican. Waxay ii ahayd riyo inaan imaado Premier League, inaan imaado koox aan waligey ku riyoodo inaan u ciyaaro.
“Dabcan way fiicneyd markii aan la baashaalnay taageerayaasha, markii aan imid, waa inaan u dagaallannaa FA Cup, Europa League iyo inaan fursad u helno inaan ka mid noqonno afarta sarre.
“Nasiib daro waxaan aheyn labo semi-finalka, laakiin waxaan ku dhameysanay kaalinta seddexaad ee horyaalka, waxa kaliya ee aan seegnay sanadkan waxay ahaayeen koobab. Ma aanan la guuleysan wax koob ah kooxda, mana ku faraxsani taas, laakiin waxaan rajeynayaa in 2021 wanaagsan. “