Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Xiddigaha Soomaaliga Ah Ee Abdi Sharif Oo Ka Tegaya Liverpool –

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay liiska ciyaartooyo si xor ah uga tegaya xagaagan oo uu ku jiro xiddiga Soomaaliga ah ee Abdi Sharif oo u ciyaarayay kooxda da’yarta Liverpool.War-saxaafadeed ay shalay soo saartay ayay Liveprool ku sheegtay, in afar ka mid ah ciyaartoydeeda da’yarta ay si xor ah uga tegayaan kooxda kaddib markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka 2020-21.Liam Coyle, Joe Hardy, Jack Walls iyo laacibka Soomaaliga ah ee Abdi Sharif ayay Liverpool sheegtay in ay iska tegayaan, iyadoo uga…

AKHRISO: Aguero, Luiz, Rose, Romero, Cahill, Sakho, Caballero,

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda sida xorta  ah uga tegaya ee ay fasaxeen kaddib markii uu furmay suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana ku jira xiddigo waaweyn oo haddaba saxeexyadooda ay naadiyo kale shaaciyeen.In ka badan 100 ciyaartoy ayay kooxahoodu ku wargeliyeen in ay iska tagaan oo aan loo cusboonaysiin doonin qandaraasyadooda, halka kuwo kalena ay iyagu diideen in ay saxeexaan heshiisyo cusub xilli kooxahoodu doonayeen in ay sii haystaan.Manchester United, Chelsea, Liverpool, Arsenal iyo…

Ciyaaryahanadda Argentina & Uruguay Oo Ku Biiray Xiddigaha Brazil Ee Iska

Tartanka qaramada Latin America ee Copa America 2021 ayaa qarka  u saaran in gebi ahaanba meesha laga saaro kaddib markii ay ciyaartoyda Brazil oo hore u sheegay in aanay ka qayb-geli doonin amaba ciyaari doonin tartankan haddii lagu qabto waddankooda.Xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee  CONMEBOL ayaa toddobaadkii hore go’aamiyey in waddanka Brazil lagu qabto tartankan oo bishan gudaheeda bilaabmaya, halkii ay ahayd in Argentina iyo Colombia ay si wada-jir ah u martigeliyaan.CONMEBOL ayaa waxa uu hore daaqadda uga…

Portugal & Spain Oo Is-mari Waayey, Ronaldo & Moratta Oo Iska Hor

Labada waddan ee loo saadaalinayo koobka qaramada Yurub ee xagaagan ee Portugal iyo Spain ayaa goolal la’aan ku kala baxay kulan saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayeen tartankaas oo caawa ku dhexmaray garoonka Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid.Xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Portugal ayaa lasoo galay shax adag oo ay hormood ka ahaayeen Cristiano Ronaldo, Diogo Jota, Joao Felix iyo Pepe, kuwaas oo ay qaybtii dambena soo raaceen Bruno Fernandes, Rafa Silva, Carvalho iyo laacibiin…

RASMI: Chelsea Oo Xaqiijisay Laba Xiddig Oo Ka Tegay Kaddib Saddex

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in ay fasaxday laba ciyaartoy oo kooxdeeda ka tirsanaa kaddib markii ay xaqiijisay saxeexyo saddex ah oo ay kooxdaas kusii negaanayaan Olivier Giroud, Thiago Silva iyo Thomas Tuchel.Chelsea ayay u ahayd Jimce mashquul badan oo qoraallada war-saxaafadeedyadu ay ahaayeen kuwo iska soo daba-dhacaya, isla markaana ay warbaahintu si dhow ula socotay xaaladdeeda.Warkii ugu horreeyey ee kasoo yeedhay Chelsea ayaa soo dhacay duhurkii waqtiga Geeska Afrika, waxaanay kooxdu…

Jack Grealish, N’Golo Kante, Phil Foden Iyo Shax Laga Sameeyey

Kooxda sannadka ee Premier League (PFA team of the Year) ayaa lagu dhawaaqay, waxaana kusoo baxay lix ciyaartoy oo Man City ah, laba Man United ah, laba Tottenham ah iyo mid Liverpool ah, waxaanay taasi ka dhigan tahay inay ka maqan yihiin xiddigo waaweyn oo la filayay in ay qayb ka noqdaan.Ederson; Cancelo, Stones, Dias, Shaw; De Bruyne, Gundogan, Fernandes; Salah, Kane iyo Son ayaa kusoo baxay kooxda sannadka ee Premier League uu shaaciyey.Kaddib markii ay shaxdani soo baxday, waxa abuurantay dood la xidhiidha…

RASMI: KOOXDA Sannadka Ee Premier League Oo Lasoo Saaray – Kane, Salah

Manchester City ayaa hoggaaminaysa kooxda sannadka ee horyaalka waddanka Ingiriiska, waxaanay ku yeelatay lix laacib oo ka mid ah ciyaaryahannadii tiir-dhexaadka u ahaa ee u horseeday guushii horyaalka Premier League.Pep Guardiola oo ay kooxdiisu saddex jeer ku guuleysatay horyaalka Premier League afartii sannadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxay sannadkan qaadatay horyaalka iyadoo 12 dhibcood ka horreysa Manchester United oo labaad ku jirtay.City ayaa laga dhaliyey kaliya 32 gool xilli ciyaareedka oo dhan 38kii kulan ee…

GO’AAN La Sugayay – Man United Oo Ka Tashatay Haddii Ay Cristiano

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka gaadhay saxeexa weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayo inay dib ula soo saxeexanayso suuqa xagaaga sanadkan 2021.Sida aanu warbixin hore idiinku soo gudbinay, Ronaldo ayay Juventus go’aan ka qaadatay mustaqbalkiisa iyadoo u sheegtay inuu fasax yahay oo albaabada kooxdu u furan yihiin haddiiba uu isagu doonayo inuu baxo.Heshiiska uu Ronaldo kula joogo Juve ayaa ah mid dhacaya June 2022 waxaana u hadhsan hal xilli ciyaareed iyadoo hadda…

Waligii Isma Bedelayo!! – Pique Oo Kaftan Kusoo Dhaweeyay Eric Garcia

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa kaftan kusoo dhaweeyay saaxiibkiisa cusub ee kooxda ee Eric Garcia xilli uu ka hadlay waxa ay ku kala duwanaan karaan.Garcia ayaa maray wado aad ugu dhaw mida Pique soo maray bilawgii waayihiisa ciyaareed maadaama oo ay labaduba iyagoo da’yar ka wada tageen akaademiga Barcelona ee La Masia isla markaana kasoo ciyaareen magaalada Manchester.Pique ayaa usoo ciyaaray Manchester United halka Garcia uu usoo ciyaaray Manchester City iyadoo labada ciyaaryahanba ay koobab kusoo…

“Waan Ku Farxi Doonaa Haddii Uu Nagu Soo Biiro, Isagu Waa Guuleyste” –

Hormoodka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud.Weeraryahanka Chelsea ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhaw yahay heshiis uu ugu wareegayo Rossoneri waxaana la sheegayaa inuu ku faraxsan yahay inay iska garab ciyaaraan Ibrahimovic.Ciyaaryahanka Swede-ka ah ayaa sidoo kale ka hadlay suurogalnimada uu kooxda qaab xor ah ugaga tagi karo goolhaye Gianluigi Donnarumma kaas oo ay xiisaynayaan PSG, Barcelona iyo Chelsea.Ibrahimovic ayaa…