Ma I Arkaysaan Dea Gea & Mendy? Ederson Oo Isku Diyaariyey Tuurashada
Goolhayaha Manchester City ee Ederson ayaa isku diyaariyey finalka Champions League oo uu doonayo in uu laagto rikoodheyaasha haddii ay kooxdiisu hesho ciyaarta dhexdeeda amaba kulanku kusoo dhamaado rikoodheyaal.
- Advertisement -
Manchester City iyo Chelsea ayaa tusaale ka helay finalkii Europa League ee Manchester United iyo Villarreal ee 22ka rikoodhe ay laagteen, isla markaana midkii ugu dambeeyey uu khasaariyey David de Gea, iyadoo 20kii ciyaartoy ee garoonka ku jiray markii ay wada dhaliyeen loo baahday labada goolhaye.
Ederson oo horeba ugu taamayay in Manchester City ay siiso tuurista rikoodheyaasha kooxdiisa, horena u sheegay in uu ka rajaynayo Pep Guardiola in isaga loo dhiibo toogashada 12ka yard ayaa Jimcihii tababar gaar ah kusii qaatay laadashada rikoodheyaasha. Sidaas oo kale, Edouard Mendy ayay Chelsea siisay tababar ay ugu diyaarinayso in sidii uu u joojin lahaa rikoodheyaasha.
Ederson ayaa toddobaadkan sii shaaciyey in uu ka mid noqon doono shanta xiddig ee Manchester City u laadi doona rikoodheyaasha haddii waqtiga caadiga ah ay labada kooxood ku kala bixi waayaan.
Sida uu soo bandhigay wargeyska TNT Sports, 27 jirkan reer Brazil ayaa garoonka tababarka ku muujiyey hibada iyo khibradda uu u leeyahay rikoodheyaasha. Iyadoo goolhayaha labaad uu goolka dhex-taagan yahay, Ederson ayaa tababarkii Jimcihii waxa uu iska qaaday tijaabo ku saabsan laadista rikoodheyaasha, waxaana 11 jeer oo uu tuurtay uu dhaliyey 10 mar, taas oo ka dhigan in 91% uu dhaliyey rikoodheyaasha.
Goolhaye Ederson ayaa hore u yidhi: “Waxa aan ku jiraa liiska ciyaartoyda rikoodheyaasha laadanaysa. Uma baahni in aan tababar badan sameeyo, laakiin waxa aan qaadan doonaa rikoodhaha shanaad. Midka ugu dambeeya, midka go’aanka, taas ayaan weydiisan doonaa…”