Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

HESHIIS BUUXA: Barcelona Oo Kaliya Inay Shaaciso Uga Hadhay

Kooxda Barcelona ayaa qarka u saaran saxeexa weeraryahanka ka tagaya Lyon ee Memphis Depay kaas oo u noqonaya heshiiskii afraad ee rasmi ah ee ay ku dhawaaqaan maalmihii ugu dambeeyay.Kooxda ree Catalan ayaa xilli horeba dhammaystirtay saxeexyada Sergio Aguero iyo Eric Garcia oo labaduba qaab xor ah ugaga imanaya Man City marka bishani dhammaato.Sidoo kale Barcelona ayaa dhaqan gelisay qoddob dhigaya inay dib ugala soo wareegaan Real Betis daafaca midig ee Emerson Royal kaas oo 9 Milyan oo euro ay kusoo qaateen.Haatan…

YAAB: Taageerayaal Sawir La Galayay Oo Dhaawacay Neymar Kahor Copa

Garabka weerar ee xulka qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa la xusayaa inay dhaawac gaadhsiiyeen qaar kamida jamaahiirta dalkiisu.Dhaawaca gaadhay Neymar ayaan ahayn mid ulakac ah balse laba kamida jamaahiirta ree Brazil oo isku dayay inay sawir la galaan isla markaana dhinaciisa u yaacay ayaa nasiib daro ku siibtay iyaga oo sidaas dhaawaca ku gaadhsiiyay.Neymar ayaa goobta ka dhaqaaqay isaga oo dhutinaya lagana dareemayo inay wax gaadheen, tababaraha xulka ee Tite ayaan wali wax war ah oo rasmi…

Maxay Tahay Sababta Ay Xiddigaha Xulka Brazil Uga Soo Horjeedaan In

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa shaaca ka qaaday in xiddigaha xulkiisu ay kasoo horjeedaan go’aanka xilli dambe dalkooda loogu wareejiyay masuuliyada ah inay Copa America martigeliyaan gudaha bishan June.Xidhiidhka kubadda cagta ee CONMEBOL ayaa shaaciyay inay dalalka Argentina iyo Colombia ka qaadeen masuuliyada martigelinta tartanka iyaga oo uga wareejiyay Colombia xasilooni daro halka ay Argentina korodhka Korona Fayras uga qaadeen.Kabtanka xulka Brazil ee Casemiro ayaan kasoo muuqan shirkii jaraa’id ee ugu…

AFTI: N’Golo Kante Ayaa Ku Guuleysanaya Ballon d’Or, Mbappe Oo 4aad

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo France ee N’Golo Kante ayaa ku guuleysan doona abaal-marinta ciyaartoyga sannadka ee Ballon d’Or, waxaanu ku garaaci doonaa Robert Lewandowski oo kaalinta labaad geli doono, Kylian Mbappe oo saddexaad noqonaya iyo Lioinel Messi oo afraad u degaya.Sida ay muujisay afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta, ma jiro ciyaartoy kaga habboon N’Golo Kante oo ay tahay in la siiyo Ballon d’Or, sababtoo ah, waxqabadkiisa garoomada ayaa ka sarreeyey ciyaaryahannada kale ee la…

Ancelotti Oo Xiddigii Ka Dhaqaaqayay Everton Kasoo Qaadanaya, Arsenal

Weeraryahanka reer Ivory Coast ee Wilfried Zaha oo 28 jir ah ayaa u sheegay Crystal  Palace in uu doonayo in uu iskaga tago ka hor inta aanay kooxdu dib ugu soo laabanin tababarka ay ugu diyaar-garoobayso xilli ciyaareedka dambe. (Times)Tottenham ayaa qarka u saaran in ay tababaraheeda u magacowdo Antonio Conte, waxaana sidoo kale imanaya Fabio Paratici oo Juventus ka tegay oo noqonaya agaasimaha ciyaaraha ee kooxdaas. (TalkSports)Heshiiska Conte iyo Tottenham ayaa ku kacaya £15 milyan oo Gini oo mushahar ahaan uu u…

Iska Illow N’Golo Kante & Mason Mount, Arsene Wenger Oo Magacaabay

Tababarihii hore ee Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaciyey xiddig ka tirsan Chelsea oo uu la yaabay wacdaraha uu samaynayo, kaas oo waqti horeba ay isaga u muuqatay in uu muujin doono qaab ciyaareed wanaagsan.Chelsea ayaa xagaagii hore lasoo saxeexatay Timo Werner, Kai Havertz, Hakim Ziyech iyo Edouard Mendy, kuwaas oo ay soo raaceen Thiago Silva iyo Malang Sarr oo isagu dib loogu diray amaah.Lacagta ugu qaalisanayd oo dhamayd £71 milyan oo Gini, waxay Chelsea kasoo bixisay Kai Havertz oo ay kala soo wareegtay Bayer…

Ronaldo, Kane, Lewandowski: Waa Kuma Xiddiga Ugu Cadcad Ee Ku

Toddobaad kaliya ayaa ka hadhay waqtiga uu bilaabmayo tartanka qaramada Yurub oo ay ku loollami doonaan 24 waddan, kuwaas oo ku kala ciyaari doona 11 magaalo oo ku kala yaalla waddamo kala duwan.Tartanka Euro ee sannadkan la qabanayo oo ah midkii baaqday xagaagii hore, isla markaana sita magaciisii hore ee Euro 2020 oo aan laga beddelin, ayaa waxa ku hirdami doona waddamo awood badan oo haysta ciyaartooyo aad u wanaagsan, waxaana illaa hadda ugu cadcad oo la saadaalinayaa Portugal, Belgium, England, France, Germany iyo…

Ceeb Ayaa Soo Socota! Fadeexadaha Gareth Southgate Ee Durba Bilaabmay

Taageereyaasha xulka qaranka England ayaa ka walaacsan xaaladda ciyaartoydooda iyadoo aanu wali bilaabmin tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha soo socda la daah-furayo, waxaanay sababtu tahay go’aamada tababare Gareth Southgate ee dhimashada ah.Xulka qaranka England oo haysta ciyaartooyo badan oo ay waliba da’doodu yar tahay, waxa uu Gareth Southgate go’aansaday in uu liiskiisa ciyaartoydiisa uu kusoo daro Jordan Henderson oo muddo dhawr bilood ah u jiifay dhaawac, walina aan ciyaarin iyo Harry Maguire oo tan iyo horraantii…

Kylian Mbappe Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Sababta Uu U Diiday Dalab Uu Ka

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka hadlay go’aankii uu ku diiday in uu ugu wareego Real Madrid markii ay da’diisu ahayd 14 jirka, xilligaas oo ay kooxda reer Spain doonaysay in ay la saxeexato.Kylian Mbappe oo hormood u ah ciyaartoyda ugu qiimaynta sarreeya kubadda waqtigan, ayuu heshiiskiisa  PSG ka hadhsan yahay sannad kaliya, waxaana jira warar sheegaya in uu doonayo in uu ka tago kooxdaas, iyadoo ay Real Madrid si weyn u raadinayso.Laacibkan ayaa la filayaa in uu qayb weyn ka qaato tartanka Euro 2020 oo uu kula…

Dhaawac Intee Le’eg Ayaa Soo Gaadhaya Rajadii Xulka Qaranka England Ee

Trent Alexander-Arnold ayaa laga saaray liiska xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka Euro 2020 ee Jimcaha soo socda bilaabmaya kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaar saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayeen tartankan oo Arbacadii ku martigeliyeen Austria.Xidhiidhka kubadda cagta England ayaa xaqiijiyey, in Trent Alexander-Arnold aanu qayb ka noqon doonin xulka qaranka England, dibna uu ugu noqonayo kooxdiisa si uu uga soo kabto dhaawacan oo uu garoomada kaga maqnaanayo afar illaa lix toddobaad, taas oo ka…