UEFA Oo Isbeddel Ku Samaynaysa Champions League, Goolkii Dibedda Ee
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel ku samaynaya tartamada Champions League iyo Europa League, waxaana isbeddelkan lagu bilaabi doonaa tartanka cusub ee Europa Conference League ee hadda la samaynayo.
UEFA ayaa meesha ka saaraysa sharciga dhibaatada badan kooxaha ku ahaa ee mararka qaarkood u hiilin jiray naadiyo bandhiggoodu liitay laakiin qaabka kaliya ee ay kusoo bixi jireen ahaa in ay garoonka kooxda kale goolal kusoo dhaliyeen.
Sida uu qoray wargeyska The Times, UEFA waxay baabi’inaysaa ama tirtiraysaa sharciga goolka martida ama goolka ay kooxuhu kusoo dhaliyaan garoonka kale, kaas oo soo shaqaynayay illaa sannadkii 1965kii oo ahayd waqtigii lasoo kordhiyey.
Jimcihii shalay ayay UEFA ka doodday arrintan, waxaana kualn ay yeesheen Guddida Fulinta iyo Madaxweyne Aleksander Ceferin, lagu soo qaaday in la tirtiro sharciga goolka bannaanka ay kooxuhu kusoo dhaliyaan, isla markaana buugga shuruucda UEFA cusboonaysiin lagu sameey.
Masuuliyiintan UEFA ayaa waxay isla qaateen in sharciga goolka bannaanku uu yahay mid gaboobay oo waqtigiisu dhacay.
Warka ayaa intaa ku daray, in tiro kooxo reer Yurub ah ay hindisahan la yimaaddeen, ayna dalbadeen in sharcigan meesha laga saaro.
Sharcigan oo markii ugu horreysay ee lagu ciyaaray ahayd 56 sannaddood ka hor, waxa uu ka shaqeeyaa kulamada Champions League iyo Europa League ee labada is-arag ee labada garoon ah, kaas oo lagu kala saaro kooxaha marka ay ciyaartoodu ku dhamaato barbarro, markaas oo guusha la siiyo kooxda goolasha badan kusoo dhalisay garoonka kooxda kale ee ay martida ku ahayd.