XARAASH: Manchester City Oo Iibinaysa Sterling & Mahrez, Labada

Raheem Sterling ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda laga dirayo Manchester City xagaagan, iyadoo uu Pep Guardiola dib u habayn ku samaynayo kooxda, si ay horyaalka Premier League iyo Champions League guulo waaweyn uga gaadhi karaan sannadaha soo socda.

- Advertisement -

City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, markii ugu horreysayna timid finalka Champions League oo ay caawa la ciyaarayso Chelsea, waxa ay qorshaynaysaa in ay dib u dhis ballaadhan sameeyaan ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka dambe.

Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez ayay kulamadooda ugu dambeeya u safan doona Manchester City caawa, waxaana xogo la helay ay sheegayaan in labadan ciyaartoy ay kooxdu iibinayso marka uu suuqu furmo.

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa saaka boggiisa hore ku qoray, in Sterling oo 26 jir ah uu kulankiisii ugu dambeeyey ee City ciyaarayo caawa, isla markaana uu ku jiro liiska xiddigaha kooxdaas ka baxaya xagaaga.

Waxa kale oo uu wargeysku sheegay in Riyad Mahrez uu isaguna ku jiro liiskaas inkasta oo uu ahaa laacibkii semi-finalka Champions League kusoo burburiyey PSG ee labadii lugoodba goolasha kasoo dhaliyey. Liiskan ayay sidoo kale ku jiraan Gabriel Jesus iyo Aymeric Laporte.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Arsenal ay doonayso labada ciyaartoy ee Raheem Sterling iyo Riyad Mahrez. Mikel Arteta oo Man City tababare ku-xigeen ka ahaa intii aanu Arsenal imanin, ayaa xidhiidh fiican la leh ciyaartoydan, sidoo kalena ogsoon waxa ay kooxdiisa kusoo kordhin karayaan.

Real Madrid ayaa iyaduna danaynaysa Sterling.

Sababta Manchester City ay u iibinayso ciyaaryahannadan ayaa la sheegay in ay doonayso in ay meesha ka saarto qaar ka mid ah ciyaaryahannadeeda waaweyn, iyadoo isku diyaarinaysa dalab £100 milyan oo Gini ah oo ay ka gudbinayso Jack Grealish iyo Harry Kane oo isaguna ku jira qorshaha kooxda ee suuqa iibka ee xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More