Neymar Oo Heshiis Cusub La Gaartey PSG & Mbappe Oo La Sugayo Iyo Warka

Kooxda kubadda caggta PSG ayaa maanta ku dhawaaqaysa heshiis cusub oo uu u saxeexay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr oo qalinka ku duugaya qandaraas uu waqtiga ugu dheeraynayo naadigiisa oo socon doona illaa 2026.

Neymar oo heshiiska uu kula  jiro PSG uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ee 2021/22, ayaa waxa uu ogolaaday in uu saxeexo qandaraas cusub oo maanta la shaacinayo, sida ay qoreen warbaahinta waddanka Faransiisku.

Wargeyska caanka ah ee L’Equipe ee kasoo baxa Faransiiska ayaa waxa uu sheegay in dooddii ka taagnayd mustaqbalka Neymar ay soo dhamaatay, laakiin kaliya ay hadhsan tahay in xaaladda Kylian Mbappe ay hadda u dhaqaaqaan.

Xiddiga reer Brazil oo lala xidhiidhinayay in uu dib ugu laaabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona oo sannadkii horena wakiillo u dirtay Paris si ay iskugu dyaaan in ay lasoo xaajoodaan laacibkan, balse ay duruufaha dhaqaale ku adkeeyeen, ayaa waxa uu caddeeyey in uu ku faraxsan yahay sii joogista PSG.

Ka hor kulankii Manchester Metropolis ay kaga reebtay tartanka Champions League, ayuu Neymar sheegay, in kooxdiisa PSG uu ku faraxsan yahay, isagoo dhinaca kalena sharraxaad ka bixiyey koritaan uu sheegay in kooxdu samaynaysay tan iyo intii uu isagu yimid sannadkii 2017.

Dhinaca kale, wargeyska L’Equipe waxa  uu sheegay in xaaladda Kylian Mbappe ay aad uga duwan tahay midda Neymar oo ay u baahan tahay in PSG ay u gasho qaab kale.

22 jirka reer France ayaa la sheegay in uu doonayo in uu iskaga tago kooxda xilli qandaraaskiisa uu sannad kali ahi ka  hadhsan yahay, illaa haddana aanay PSG u caddayn sida ay noqon doonto xaaladda xiddigan oo ay u gacan haadinayaan kooxo waaweyn oo Yurub ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More