Miyuu Vinicius Junior Ka Tegayaa Real Madrid? – Akhriso Warkii U
Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa sii joogi doona Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda iyadoo uu fursado ka heli doono tababare Carlo Ancelotti.
- Advertisement -
Vinicius Junior ayay warbaahintu sheegtay in ay saamayn ku yeelanayso tirada sharciga Spain u ogol yahay ciyaartoyda ajaanibka ah ee koox waliba haysan karto, taas oo isaga ka dhigtay dheeraad. Manchester United ayay wararku sheegayeen in Real Madrid u bandhigtay.
Laakiin shabakadda Goal, ayaa sheegtay, inay heshay xogta go’aanka Real Madrid ee ku saabsan ciyaartoygan, taas oo ah in Florenino Perez uu aad u jecel yahay laacibkan, una arko inuu yahay mustaqbalka.
Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale Vinisius Junior ka dhiganaya xiddigaha uu ku duulo xilli ciyaareedka 2021-22, halka Raphael Varane uu yahay ciyaartoyga kaliya ee Real Madrid ay diyaarka u tahay inay ka iibiso Manchester United.
21 jirkan xirfadda iyo orodka badan ayaa la filayaa inuu ka faa’iidaysan doono waayo-aragnimada Ancelotti oo uu heli doono sirta gool-dhalinta ee hadda ka maqan, iyadoo uu xilli ciyaareedkii hore saxeexay lix gool iyo toddoba caawimood oo dhamaan tartamada ahaa.
Xulka qaranka Brazil ee ka qayb-galay tartanka Copa America ayuu qayb ka ahaa, waxaanu ciyaaray 64 daqiiqadood oo ay ku jirtay ciyaartii finalka ee Argentina koobka ka qaadday oo uu waqti dambe soo galay.