Miyuu Paul Pogba Ka Tegayaa Manchester United? Solskjaer Oo Shaaciyey

Paul Pogba oo qandaraaskiisa Manchester United uu dhamaanayo sannad kaddib, waxay wakiilladiisu wada-hadallo kula jiraan Manchester United, sida uu sheegay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Xiddiga reer France ayaa xor ka noqon doona United bisha June ee sannadka dambe haddii aanu inta ka horreysa saxeexin qandaraas cusub amaba aanay kooxdiisu iibin, waxaanay wararka suuqa ku jiraa la xidhiidhinayaan kooxo kale.

Kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii saxiibtinimo ee guul-darradu kasoo gaadhay ee Manchester United ay maanta la ciyaartay QPF, ayaa waxa mustaqbalka Pogba ka hadlay Ole Gunnar Solskjaer oo qiray inay dhinacyada u socdaan wada-xaajoodyo nuxurkoodu yahay heshiis kordhin.

Warbaahinta ayaa Solskjaer weydiiyey haddii Pogba uu ka tegayo United iyo haddii ay jiraan tallaabooyin kooxdu ku xaqiijinayso in uu sii joogo, ayaa ku jawaabay: “Wada-hadallo ayaa u socda wakiilka Pogba iyo wakiillada kooxda. Dhamaan wada-hadalkii aanu aniga yeelanay Paul waxay muujinayaan in yoolkiisu yahay xilli ciyaareedka [inuu u ciyaaro Man United].”

Su’aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd haddii uu laacibkani doonayo inuu joogo amaba uu iska tago, waxa uu Solskjaer ku jawaabay: “Mar walba way jirayaan kutidhi-kuteen ku saabsan Paul, waxaana dabcan mar walba jiraya kooxo xiisaynaya. Waanu aragnay Paul oo heerkiisii ugu fiicnaa ku jira, isaguna wuu ogyahay waxa aanu dareemayno, aniguna waan ku raaxaysanayey waqtigii aanu wada shaqaynay, waxaanan rajaynayaa in aanu sii wada shaqayn doono.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More