Micnaha Murugada Leh Ee Ka Danbeeya Shabada Gacanta Uga Xardhan
Jadon Sancho ayaa si furan uga hadlay shabadihiisa oo uu ku jiro gabay uu ku maamuusayo walaalkiis ka yar oo geeriyooday.
- Advertisement -
Saxiixa cusub ee Manchester United ayaa waxaa soo martay murugo weyn markii uu geeriyooday walaalkiis ka yar isagoo dhiganaya dugsi hoose.
Isagoo u hadlayay warbaahinta rasmiga ah ee Manchester United, Sancho ayaa yiri: “Waa shabadeydii ugu horeysay ee aan isku xardho, waxayna ii leedahay micnaha ugu weyn sababtoo ah walaalkeey iga yar ayaa geeriyooday isagoo yar.
“Markii aan dhiganayay dugsi hoose, waxaan qoray gabay aan ka akhriyay aaskiisa, sidaasi darteed waa shabada micnaha ugu weyn iigu fadhisa.”
Gabayka uu isku shabadeeyay ayaa micno ahaan u qoran sidaan:
Aniga iyo adiga mar walba waan isla joogi doonaa, waxaad naga dhigtay kuwa faraxsan, waxaad inagu soo biirisay farxad, waxaad aheyd will special ah. Ma sugi karin inta aan ka weynaato oo aan ku baro sida kubada loo ciyaaro koobna aad ku guuleysato. Laakiin waad inaga tagtay, maxaan sameyn karaa? Walaalkeygii iga yaraa, waan ku jecel nahay.
Sancho ayaa sidoo kale isku shabadeeyay xarfaha uu ka bilowdo magacyada walaashiis iyo walaalkiis.
Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Gabayga ka dib waxaan isku shabdeeyay shimbiro, balanbaalis iyo xarfaha uu ka bilowdo magaca walaasheey iyo walaalkeey.”