U bood qoraalka
Sunday, October 25, 2026 13 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 24°C
Deg-deg: World Food Day: Innovations Supporting Africa’s Women Farmers
Warar Deg-deg ah
Axadle
Axadle Newsroom Sports Af-Soomaali

Maxay Tahay Talaabada Uu Qaaday David De Gea Ee Uu Ku Farxad Geliyay

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Maxay Tahay Talaabada Uu Qaaday David De Gea Ee Uu Ku Farxad Geliyay

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa sameeyay talaabo cajiib ah taas oo muujinaysa sida uu u doonayo inuu u dagaalamo soo celinta booskiisii dookha koowaad ee kooxdaas.

David ayaa booskiisa dookha koowaad bilooyinkii ugu dambeeyay u waayay Dean Henderson kaddib markii uu qaladaad kale soo sameeyay xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020-21.

De Gea ayaan sidoo kale wax boos ah ka helin xulka Spain intii uu socday Euro 2020 isaga oo tababare Luis Enrique ka doorbidayay goolhaye Unai Simon.

Arrinta soo jiidashada leh ee uu sameeyay De Gea ayaa ah inuu tababarka kooxda xilli hore kusoo laabtay si uu booskiisa u dhacsado, 30 sano jirkaas ayaa loo qorsheeyay inuu bilawga bisha dambe soo laabto balse kaddib kaliya laba toddobaad oo uu fasax ahaa kusoo laabtay tababarka United.

Dhinaca kale Henderson ayaa isaguna dhaawac kaga maqnaa xulkiisa England tartankii Euro oo ay Final ka gaadheen balse 24 sano jirkaas ayaa xilli horeba tababarka Man United kusoo laabtay.

De Gea ayaa doonaya inuu tababare Ole Gunnar Solskjaer tuso waxa uu awoodo oo uu kusoo bilawdo kulanka ugu horreeya xilli ciyaareedka ee ay Leeds United qaabilayaan.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu De Gea kusoo dhammaystay qaabkii ugu xumaa ee ugu macquulsanaa iyagoo Final-kii Europa League rigoorayaal guuldarro kagala kulmay Villarreal.

David ayaa awoodi waayay inuu badbaadiyo hal mid oo kamida 11 rigoore oo ay ciyaaryahanada Villarreal laageen halka uu isagu midii uu masuuliyadeeda qaaday khasaariyay sidaasna koobka ugu gacan geliyay Villarreal.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes