Baarlamaanka aan la soo dooran ee Burkina Faso ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeer ciqaabeed cusub oo dib u soo celinaya ciqaabta dilka, taas oo lagu fulin karo dambiyo ay ka mid yihiin khiyaano qaran oo culus, argagixisanimo, basaasnimo, dilka waalidka iyo soo dejinta badeecooyin dhacay ama mamnuuc ah. Ciqaabta dilka ee dambiyada caadiga ah waxaa la baabi’iyay sannadkii 2018.
Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in tallaabadani ay sii wiiqi karto xorriyadaha madaniga ah ee dalka, iyadoo taliska milatariga uu xukunka kula wareegay afgambi dhacay sannadkii 2022. Tan iyo markii ay taladu gacantooda gashay, mas’uuliyiintu waxay xaddideen hay’adaha warbaahinta, hakad geliyeen kooxaha bulshada rayidka ah iyo ururrada shaqaalaha, waxayna tallaabooyin ka qaadeen dadka dhaliila iyagoo adeegsanaya xarigyo iyo maqnaansho khasab ah.
- Advertisement -
Dhukuumaddu waxay sheegtay in dib u soo celinta ciqaabta dilka ay xoojin doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisanimada. Si kastaba ha ahaatee, dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka digaya in cilladaha ka jira nidaamka caddaaladdu ay kordhinayaan khatarta xukunnada khaldan iyo gefafka caddaaladeed ee aan dib loo sixi karin.