Lionel Messi Oo Lagu Qalqaalinayo Inuu Luis Suarez Kula

Fekrada ku saabsan in Lionel Messi uu ku biiro Atletico Madrid islamarkaana uu u ciyaaro waa wax aan haatan maskaxda ka degeynin laakiin sidaasi si la mid ah cidna kuma fekereynin in Luis Suarez uu ka tagayo Barcelona kuna biirayo Atletico Madrid.

Luis Suarez ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Atletico Madrid isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday gool kale, sidaasi darteed meesha lagama saari karo in Messi uu isna maro wadada Suarez.

Xiddiga reer Argentina ayaa hore u soo xirtay maaliyada Atletico Madrid isagoo ku ciyaaray.

Waxay aheyd kulan saaxiibtinimo uu xirtay maaliyada Atletico Madrid sannadkii 2009 oo uu soo agaasimay saaxiibkiisa Maxi Rodriguez kaasoo u ciyaarayay Atletico Madrid.

Saaxiibtinimo ayaa haatana ku hogaamin karta inuu xirto maaliyada casaanka iyo cadaan haddii uu go’aansado inuu ka tago Camp Nou xagaaga danbe.

Xitaa madaxweynaha Atletico Madrid Enqiue Cerezo ayaa albaabka u furay xiddiga reer Argentina isagoo sheegay in wax walba ay suurtogal tahay.

“Haddii Leo Messi uu doonayo inuu la ciyaaro Luis Suarez, waxaan u sheegayaa inuu gurigiisa yimaado, wax walba waa suurtogal” ayuu madaxweynaha Atletico Madrid u sheegay Cadena Cope.

Messi iyo Suarez ayaa waxaa ka dhaxeysa saaxiibtinimo weyn iyadoo qoysaskooda ay xiriir fiican leeyihiin halka xaasaskooda ay ganacsi wada furteen caruurtoodana ay iskuul wada dhiganayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More