Kylian Mbappe Oo Ku Laabtay Tababarka PSG & Go’aanka Mustaqbalkiisa Oo

Kylian Mbappe ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa  Paris Saint-Germain kaddib fasax uu galay markii ay soo dhamaadeen ciyaaraha qaramada Yurub, waxaanu hadda isku diyaarinayaa xilli ciyaareedka cusub.

Laacibkan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedka, iyadoo uu bartiisa bulshadana soo dhigay sawir uu dhoola-caddaynayo oo uu ku sugan yahay xarunta tababarka kooxdaas ee Camp des Loges, waxaase uu qorshihiisu yahay in kaliya xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey uu ka ciyaaro caasimadda Faransiiska.

Kylian Mbappe oo qandaraaskiisu ku egyahay xagaaga dambe ama marka uu soo dhamaado horyaalka hadda bilaabmaya, waxa lagu soo warramayaa in uu go’aankiisu yahay in uu ka tago kooxda marka uu qandaraaskiisu dhamaado.

PSG ayaa isku dayaysa in ay qanciso balse waxa meel adag taagan 22 jirkan oo doonaya in uu dhamaysto muddada ka hadhsan qandaraaskiisa kaddibna uu ka tago kooxdiisa.

Dhinaca kale, warbaahinta Faransiiska ayaa kusoo warramaysa in Mbappe uu qorshaynayo in xilli ciyaareed xasuus badan leh uu kusoo afjaro waayihiisa Parc des Princes, isla markaana uu guulo waaweyn la gaadho iyadoo diiraddiisuna tahay Champions League.

Kaddib markii uu Monaco kaga soo biiray xagaagii 2017, waxa hadda sugnaan la’aan ah mustaqbalkiisa oo aan dhinacna u dhicin, waxaanay kooxdiisu waajahaysaa xaqiiqada ah in aanay gacantooda ku jirin go’aanka mustaqbalka ee Mbappe.

Madaxweyne Nasser Al-Khelaifi ayaa hore u sheegay in aanu Mbappe kaliya joogi doonin PSG xilli ciyaareedkan balse uu sidoo kale saxeexi doono heshiis cusub.

Si kastaba, warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay in go’aanka Mbappe uu yahay inuu ka tago kooxda bisha June ee sannadka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More