Iska Ilow Barcelona, Atletico & Real Madrid – Jurgen Klopp Oo

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey magaca koox aad la yaabayso oo ka dhisan waddanka Spain oo uu jeclaan lahaa in uu tababare u noqdo.

- Advertisement -

Klopp oo ay kooxdiisu caawa magaalada Madrid kula ciyaarayso Real Madrid lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League ayaa la weydiiyey, haddii uu u malaynayo in uu maalin tababare ka noqonayo mid ka  mid ah kooxaha Barcelona, Real Madrid ama Atletico Madrid, ayaa meesha ka saaray magacyadan oo dhan.

Tababaraha ayaa su’aashan uga jawaabay qaab kaftan ah, waxaanu shaaciyey kooxda uu u malaynayo in uu tababare ka noqonayo, taas oo aan gebi ahaanba ka mid ahayn kooxaha heerka koowaad ee waqtigan.

Real Mallorca oo heerka labaad ka ciyaarta waqtigan ayuu sheegay inay la tahay in uu tababare ka noqon karayo, isagoo ka dul-booday saddexda kooxood ee waaweyn.

“Haddii, waayahaygu sidan ku dhamaado, waxa aan kaliya layliyey saddexda kooxood ee Mainz, Borussia Dortmund iyo Liverpool, mana xuma. Sidaa darteed, qoomamo iguma hayso in aanan tababare u noqonin Real Madrid. Laakiin marka aanu diyaaradda ka degno (Madrid ay tagto Liverpool), waxa aan qoomamayn doonaa in aanan mar hore ku noolayn halkan, sababtuna waa in jawigeedu aad u fiican yahay!” Ayuu yidhi Jurgen Klopp.

Intaas kaddib ayuu su’aashii la weydiiyey siday tahay uga jawaabay, waxaanu yidhi: “Waxaan odhanayaa, waan ku habboonahay in aan tababaro dhamaantood {Barcelona, Real Madrid ama Atletico}. Laakiin aad ayuu u xun yahay Isbaanishkaygu (kuma fiicni luuqadda Spanish-ka), sidaa darteed kuma farxaysaan taas.

“Waxa laga yaabaa, in aan ku fiicnaan lahaa in aan tababare u noqdo Real Mallorco oo aan ugu yaraan halkaas ku noolaado.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More