Hordhac: Chelsea vs Actual Madrid – Midkooda Finalka Ugu Tegaya Metropolis,

Chelsea iyo Actual Madrid ayaa caawa ku ballansan lugta labaad ee semi-finalka Champions League oo ay ku wada ciyaarayaan garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.

Kulankii hore ee Estadio Alfredo Di Stefano ayay labada kooxood kusoo kala baxeen barbarro 1-1 ah, waxaana goolka la hormartay Chelsea oo uu waqti hore u dhaliyey Christian Pulisic, waxaase isla qaybta hore barbarreeyey Karim Benzema oo gool qurux badan dhaliyey.

Labada kooxoodba waxay kulamadii horyaalladooda maxalliga ah ee toddobaadkan kusoo badiyeen min 2-0, waxaanay Chelsea kasoo adkaatay Fulham, halka Los Blancos ay soo jiidhay Osasuna.

Ciyaartii hore ee labada kooxood, waxa qaybtii hore fursado badan iska lumisay Chelsea, gaar  ahaan mid caddaan ahayd oo Timo Werner uu goolhaye Courtois lugta u saaray ka hor intii aanu Pulisic goolka keenin,

Actual Madrid ayaa sidoo kale heshay fursado aan ahayn goolka ay dhaliyeen, waxaana kubbad halis ahayd birta Blues ku garaacay Benzema ka hor intii aanu shabaqa soo taabanin laadkiisii xigay.

Chelsea oo ku xooggan khadka dambe ee difaaca oo 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Champions League kaliya afar ka mid ah goolal laga soo dhaliyey, sidoo kalena haysata ciyaartooyo afka hore iyo khadka dhexeba ah, waxay ku socotaa in ay tagto finalka markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2012 oo ay koobkan ku guuleysatay.

Los Blancos ayaa dhinaceeda waxay koobkan kusoo guuleysatay 13 jeer, waxaanay Zinedine Zidane oo tababare ku-xigeen ahaa uu xilli ciyaareedkii 2013-14 la yimid finalka iyadoo uu macallinka koowaadna ahaa Carlo Ancelotti, halkaas oo ay kasoo bilaabeen guulo taariikhi ah iyagoo koobkana ka qaaday Atletico Madrid.

Saddexdii xilli-ciyaareed ee isku-xigay ee 2015-16, 2016-17 iyo 2017-18 ayay Actual Madrid si xidhiidh ugu guuleysatay Champions League iyadoo uu Zinedine Zidane u yahay tababare, waxaana haddii ay doorkan tagaan finalka ay u noqon doontaa markii afraad oo Zidane uu tababare u ah ay Actual Madrid gaadho kulanka ugu dambeeya, halka ay usii dheeraanayso waqtigii uu Ancelotti gacan yaraha u ahaa ee uu koobkan la qaaday.

Kaddib xilli ciyaareed ay wareegga 16ka ku hadheen oo Man Metropolis ay tartanka ka saartay, Zinedine Zidane ayaa haddii ay kooxdiisu kasoo gudubto Chelsea, waxa uu helayaa fursad ay finalka kaga aargoosan karaan Pep Guardiola iyo kooxdiisa Man Metropolis oo xalay usii gudubtay kulanka ugu dambeeya.

Marcello Lippi, Carlo Ancelotti iyo Sir Alex Ferguson ayaa ah saddexda tababare ee kaliya Zinedine Zidane kaga badan finalka Champions League, laakiin fursadda uu caawa haysto iyo da’diisa oo wali yar ayaa waxay ka dhigaysaa in mid taariikh gaar ah ka samaysan kara Champions League.

Kulamadii ay hore usoo wada ciyaareen Chelsea iyo Actual Madrid

Kulanka caawa ayaa noqonaya markii shanaad ee Chelsea iyo Actual Madrid ay iskaga hor yimaaddaan tartamada Yurub, waxaana rikoodhka iyo gacanta sareba leh Blues oo aan marna laga badinin afartii jeer ee hore.

Chelsea waligeed garoonkeeda Stamford Bridge kumay marti-gelin Actual Madrid, saddex ka mid ah afarta jeer ee ay wada ciyaareenna waxay Blues guuleysatay laba ka mid ah, waxaana midka hore uu ahaa finalkii UEFA Tremendous Cup ee 1998 oo ay Chelsea koobka qaadday iyo Finalkii Cup Winners’ Cup ee 1991 oo laba is-arag ahaa oo ay Chelsea badisay.

Kulankooda afraad ayaa ahaa barbarrihii ay ciyaartii hore labada kooxood kusoo wada galeen magaalada Madrid.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Actual Madrid

Tartanka: Lugta labaad ee semi-finalka Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Stamford Bridge.

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Chelsea waxa dhaawac kaga maqan Mateo Kovacic oo horena u seegay ciyaartii toddobaadkii hore, waxaase la filayaa in uu taam usoo noqdo Mason Mount oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Fulham.

Tababare Thomas Tuchel ayaa rajo ka qaba in Antonio Rudiger uu kasoo kaban doono dhaawac fudud oo kasoo gaadhay madaxa  intii ay socotay ciyaartii hore ee Actual Madrid ay Alfredo Di Stefano ugu tageen, haddiise uu soo kaban waayo, waxa kusoo bilaaban doona Kurt Zouma.

Cesar Azpilicueta oo la nasiyey ciyaartii Fulham ayaa la filayaa in uu difaaca kusoo bilowdo oo uu garabka midig ka beddelo Reece James, halka Jorginho iyo N’Golo Kante ay khadka dhexe wada qabsan doonaan.

Christian Pulisic oo wacdaro dhigay lugtii hore iyo Mason Mount ayaa mar kale kusoo bilaaban doona, waxaase uu Tuchel go’aan ka gaadhi doonaa midka uu dooranayo Kai Havertz oo laba gool kasoo dhaliyey Fulham iyo Timo Werner.

Dhinaca kale, Actual Madrid ayaa  dib usoo dhoweyn doonta kabtankeeda Sergio Ramos oo kasoo kabtay dhaawac, waxaana suurtogal ah in uu kusoo bilowdo difaaca inkasta oo aanu kulankii Osasuna ciyaarin.

Laakiin waxa Los Blancos dhaawac kaga maqan Raphael Varane, Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez, halka Fede Valverde iyo Ferland Mendy ay taam usoo noqdeen kulankan.

Eden Hazard ayaa rajaynaya in uu kooxdiisii hore ka hor-tago, isla markaana uu kusoo bilowdo safka hore, iyadoo Toni Kroos iyo Luka Modric oo kulankii Sabtidii la nasiyey ay khadka dhexe kusoo laaban doonaan.

Shaxa macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Mendy; Silva, Rudiger, Christensen; Azpilicueta, Jorginho, Kante, Chilwell; Mount, Pulisic; Havertz

Actual Madrid: Courtois; Odriozola, Militao, Nacho, Mendy; Casemiro, Kroos, Modric; Asensio, Benzema, Vinicius Jr

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More