Hordhac: Barcelona vs Atletico – Kulanka Xaasaasiga Ah Ee Maanta,

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa galabta foodda isku daraya garoonka Camp Nou kulan xaasaasi ah oo natiijadiisa kasoo baxdaa ay qabayn karto sida uu noqonayo horyaalka LaLiga iyo kooxda ku guuleysan karaysa intaba.

Barcelona oo ku jirta kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta ayaa waxay qaabbilaysaa Atletico Madrid  oo hoggaanka haysa, laba dhibcood oo kali ahna ka sarraysa, isla markaana dhibco badan lumisay tan iyo bishii January.

Atletico ayaa hoggaanka horyaalka ku haysay 13 dhibcood oo nadiif ah bishii January iyadoo markaas guuleysatay 16 ka mid ah 19 ciyaarood oo ay dheeshay, balse Diego Simeone ayay kooxdiisu guul-darrooyin iyo barbarro badan la kulantay, waxaanay taasi keentay in laba dhibcood oo kaliya ay hadda ka sarrayso Actual Madrid oo labaad fadhida iyo Barcelona oo saddexaad ah, laakiin isku dhibco ah.

Isku-dhaca labadan kooxood oo ay ka dhex faa’iidaysan karto Actual Madrid oo u baahan in laga badiyo Atletico si ay hoggaanka horyaalka ula wareegto, laakiin iyadana waxa sugaya imtixaan adag oo ah in ay Sevilla kasoo badiso Axadda.

Tababare Diego Simeone ayay kooxdiisu rikoodh xun ka haysataa Camp Nou, wax guul ahna kama helin tan iyo 2006. Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalkana waxay badiyeen saddex kaliya iyagoo laba laga badiyey marna barbarro galay.

Barcelona ayaa iyadana waxa caawa ganaax kaga maqan tababaraheeda Ronald Koeman ayaa waxay toddobaad ka hor iska lumisay fursad ay hoggaanka horyaalka ku qaban lahayd, kaddib markii ay guul-darro 2-1 ah kala kulmeen Granada oo ku garaacday garoonkeeda.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Atletico Madrid

Tartanka: Horyaalka LaLiga

Waqtiga: 5:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Barcelona ma haysato wax walaac cusub oo dhaawacyo ah, waxaase usoo kabtay Martin Braithwaite oo rajaynaya in uu helo fursad ciyaareed, halka Philippe Coutinho iyo Ansu Fati ay dhaawacyo waqti dheer ah ku maqan yihiin.

Ousmane Dembele ayaa culays ku saaraya tababareyaashiisa in lagu soo bilaabo kulankan, laakiin Ronald Koeman waxa uu ku qanacsan yahay Lionel Messi iyo Antoine Griezmann.

Atletico Madrid ayaan wax dhaawacyo ah qabin, waxaana usoo laabtay xiddigooda afka hore ee Luis Suarez oo 19 gool dhaliyey xilli ciyaareedkan. Renan Lodi oo muddo maqnaa ayaa isaguna sookabta

Barcelona: Ter Stegen; Araujo, Pique, Lenglet; Roberto, De Jong, Busquets, Pedri, Alba; Messi, Griezmann

Atletico Madrid: Oblak; Savic, Gimenez, Hermoso; Trippier, Llorente, Koke, Lemar, Carrasco; Suarez, Correa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More