Ha Ii Keenina!! – Tababare Ronald Koeman Oo Ka Dhaartay Saxeexyada

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa lagu soo warramayaa inuu diidmo qayaxan kaga hortagay laba kamida xiddigaha kooxdiisa lala xidhiidhinayo gudaha suuqan 2021.

Saxeexyo cusub oo ay Barcelona samayso wakhtigan ayaa ah wax ay adagtahay in la sawirto marka la eego xaqiiqada ah inay xataa awoodi waayeen inay afar saxeex oo ay sameeyaan diiwaan gashadaan.

Sergio Aguero, Memphis Depay, Eric Garcia iyo Emerson Royal ayaa dhammaantood ah kuwo aan la diiwaan gelin walow ay saddex kamid ahi qaab bilaasha ku yimaadeen si lamid ah heshiiska cusub ee Lionel Messi ayaan wali la saxeexin sababtoo ah inay kooxdu gaadhay xadiga mushahar bixinta ee horyaalka La Liga.

Marka laga yimaado xaqiiqada ah in Barca ay u baahantahay inay dhinto 200 Milyan oo pound oo kamida mushaharka ay bixiso ayay jiraan warar sheegaya in kooxda loo bandhigay saxeexyada Renato Sanches iyo Cristian Romero oo Lille iyo Atalanta ka kala tirsan.

Sida uu sheegayo il-wareedka RAC1 oo MARCA soo xiganaya, tababaraha Dutch-ka ah ayaa u sheegay Barcelona inuusan mid ahaana doonayn labadaas ciyaaryahan.

Dabcan waxaaba adkaan lahayd in Blaugrana ay samayso ugu yaraan mid kamida saxeexyada labadaas ciyaartoy sababtoo ah inay dhaqaale ahaan dhulka tahay balse haddiiba ay warbixintaasi xaqiiqo tahay ayay muujinaysaa in Koeman uu ku faraxsan yahay ciyaartoyda uu haysto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More